Araweelo News Network

 

Ahmed Jaambiir Suldaan

Hargeysa, (ANN) – Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo mudo dheer siyaasada Somaliland ku soo jiray xilal kala duwana ka soo qabtay dawladiihii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Xukuumaddii Daahir Daahir Rayaale Kaahin Iyo Xukuumadda xiligan ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku soo biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo xilal kale uga soo qabtay Xukuumaddii Marxuum Cigaal,  sheegay inuu ka tirsanaa xisbiga Kulmiye balse maanta uu ku soo biiray xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in Kulmiye uu baabiiyey lacagtii dawladii Cigaal samaysay ee ay cadowga kaga adkaadeen, taa badalkeedana ay dalka u horseedeen qiimo barar iyagoo soo daabacday lacag Kun (1000) iyo Shan Kun (5000) isugu jirta.

Axmed Jaambiir Suldaan waxa uu sidaasi ka sheegay Xaflad balaadhan oo  Hargeysa loogu qabtay Siyaasiyiin culculus oo uu ka mid yahay Cabdilaahi Ciro oo ahaa Wasiirkii Arrimaha gudaha ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Iyo sidoo kale  Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal Iyo Wasiirkii Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay)), oo labadaba xilal  Wasiiro uga soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Munaasibadaa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee  Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay  hoggaanka Xisbiga WADDANI  Iyo taageerayaasha xisbigaa.

Muuqaalka xaflada WADDANI

Axmed Jaambiir Suldaan oo xaflada ay ku shaaciyeen in ay ku biireen Xisbiga WADDANI  hadal kooban Ka jeediyay, ayaa yidhi, “Kuwa wax diida ee wax naqdiyaa waxay yidhaahdaan intaas oo wasiir ah ama wasiir diikhili ahi waxay doonayaan Kursi, waxa la wada doonanayaa waddankan in la wada dhiso, maaha inaynu doonayno inaynu wax kala helno, hadii aynu wax ku sii balano waynu kala yaacaynaa, laakiin Waddankan dhismihiisa ayaynu shuraako ku nahay.

 

Intaa marka laga gudbo waxaan idiin sheegayaa waxaan ahaa xisbiga Kulmiye, waxaanan uga soo baxay waxa ka mid ah Laagtii uu Sameeyey Marxuumkii ee dalku yeeshay ee cadowga aanu kaga adkaanay maanta waa Xashiish.

 

Xaflada WADDANI

Lacagtii waxa socota maanta kunkaa ugu yar, lacag kunka la gaadhayna maaha wax kale ee waa Qiima Barar, waxa timid koox doolar urursato ah ayaa jabisay oo baabiisay shilinkii Somaliland taasina inama anfacayso, wax hantiya waxa aynu lahayn aqalo, aqaladii aynu lahayn qolo dhuuxa cunaysa, markii uu gabyayey waxa uu lahaa ‘cidaamkaa na fuulay’ cidaamkaa uu sheegayey keebaad moodaysaan waxa uu lahaa Aqaladii dhawrka boqol ahaa ee la inooga tagay, cidaamkiina way cuneen, markaa saw in la nacao maaha.

 

Xaflada WADDANI

Waxa kale oo soo baxday oo aynaan hide iyo dhaqan u lahayn oo Somaliland aynu ku ahayn wax kale may ahayn waxay ahayd inaynu wada ahaano Somaliland saddex qodob ka kooban, saddexdaa qodob maxay ahayd waxay ahayd Xoree oo markaad Xorayso xalkeeda doon, markaad xaliso xukun, iyagu waxa ay doonayaan qabyaalad inay ku haystaan, waxaanad ku garataan way faan baan yihiin, waxaanay ahayn ayay sheegaan, ninka beenaalaha ahina wuu dhaar badan yahay.

 

Xaflada WADDANI

Kalmad ayaan idiin sheegayaa, kalmada aynu kaga lug baxayno, horta nimankani (Kulmiye) waa niman cajaa’ib ah, qaar ay xidhaan, qaar ay u hanjabaan iyo qaar ay caayaan iyo cilmiyo gaaban ayay hayaan, waxaynu odhanaynaa halkii CHANGE laga odhan jiray BADALUU, BADALUU, BADALUU, waxaan aynu ku bedelaynaa, qori ku badali mayno, wax kalena ku badali mayno, waxaynu ku badalaynaa, kaadhkeenaa iyo farteenaa” ayuu yidhi Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan oo ka mid ahaa siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dawladihii Marxuum Cigaal iyo dawladii Daahir Rayaale Kaahin.”