Araweelo News Network.

Siyaasiyiinta Madasha Murrashaxiinta Maxay Ka Yidhaahdeen Natiijada Kulan Dheer Oo Ra’iisal Waasaraha Dhexmaray

Muqdisho(ANN)-Midawga Murrashaxiinta, ayaa ka hadlay waxa ay ka wada hadleen ra’iisal wasaare Rooble oo kulan dheer oo saacado qaatay ay yeesheen.

Siyaasiyiinta mucaardka ee la baxay Midawga murrashaxiinta oo hore ugu baaqay maalinta beri ee Jimcaha mudaharaad ka dhan ah Xukuumadda Farmaajo, ayaa sheegay in kulanka laysla qaatay in hore loo socdo.

Xubnaha kulanka kaddib wadajirka u hadlay, waxa ka mid ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo xilligan ka mid ah kooxda la baxday madasha murrashaxiinta, Xasan Sh. Maxamuud, Sheekh Shariif oo isagu ah guddoomiyaha kooxda iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kooxdu waxay ka hadleen natiijada kulankaa, iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyay ra’iisal wasaare Rooble iyo masuuliyiinta maamul gobolleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Maamulka Muqdisho.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka