Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa ka digay qorshe ay sheegeen in laga soo xawilay dhinaca dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya oo la doonayo in maskaxda lagaga xado da’yarta reer Somaliland, kaasoo ujeedadiisu tahay isdhexgalka dhallinyarada labada dhinac.

Xubno ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo ay ka mid yihiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo telefiishanka Eryal TV kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa ay sheegeen inay jiraan kooxo ku hawlan sidii ay uga shaqayn lahaayeen in la is dhexgeliyo dhallinyarada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo loogu soo dhex dhuumanayo dhinaca ciyaaraha kala duwan.
“Carruur ayaa kubbad wada ciyaaraysa iyo carruurtu ha isdhexgasho… Khalad ayey ahayd in aynu wadahadal la furno oo xidhiidhba la samayno, iyagoo kii ina laayey ay geesi u yaqaanaan oo Cali Samatar oo ahaa taliskii diyaaradda ku laynayey dadka Hargeysa ay yidhaahdaan yaan dambi loo qabsan oo ay Moorgan oo jooga u yaqaanaan geesi, dadkii xasuuqay dadkan (Somaliland) oo aanay waxba ka qaban ayey haddana leeyihiin aynu wadahadalno oo aynu is dhexgalno, carruurtuna ha is dhexgasho, markaa in ay caqli xumo ka tahay iyo waxa ay ka tahayba wax alla wixii maal yaalay magaalooyinkaas laga qaxay waa la gurtay.” Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Waxaannu intaas ku daray; “Markaa dhibaatadu maanta waxa weeyaan inay yidhaahdaan kubbad aynu wada ciyaarno, annagu kubbadba ciyaari maynee xabaalahayagii ayaannu dib u qodaynaa oo kafmaynaa, kuna tukanaynaa oo insha Allaah aannu u samaynaynaa xabaal-wadareed gaar ah. Afartii Madaxweyne ee hore way ka baaqdeen ee waa in madaxweynahan sameeyo oo wixii dabadeedna farta loogu fiiqo dadka kolka ay yidhaahdaan maxaad u goosateen, in wixii ina gaadhay ay taas tahay la tuso.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxaannu yidhi; “Waxa aannu imminka ku talinaynaa in xukuumadan cusub ay qaadato meelo adag-adag oo cad in ay iska taagto arrimahaas oo talada aannu soo jeedinayno ay ka mid tahay Soomaaliya xukuumadeedu waxa ay u haystaan in aynu ka mid nahay gobol ka mid ah Soomaaliya, mana nihin ee waxa aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland oo aynu ahayn sannadkii 1960-kii oo aynu ahayn ka hor, imminkana aynu nahay, markaa haddii halkaas laga dhaqaaqayo, lagana ambo-qaadayo wax ayaa laga wadahadli karaa oo laba dawlood oo walaalo ah oo jaar ah, laakiin haddii laga ambaqaadayo gobol naga mid ah ayaad tihiin ee aynu ka wadahadalno sidii aad noogu soo noqon lahaydeen, taasna jawaabteedu way caddahay oo waa maya.”