Araweelo News Network.

“Ciidamadda naga saar oo ha laga hadlo labada sannadood laftooda “

Muqdisho(ANN)-Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa awooddo waayay in uu qabsoomo fadhi ay lahaayeen maanta, kaas op buuq iyo saxawan kadib la xidhay, markii ay xildhibaanada qaarkood abuureen dareen shaki ee ay saluugeen ujeedada fadhigaa.

Qarr ka mid ah xildhibaanada kulanka kasoo horjeeday, ayaa warbnahinta u sheegay in fadhiga markii hore lagu sheegay mid lagaga hadlayo xaaladda xannuunka Coronavirus, balse uu soo baxay dareen kale oo laga qabay in mudda kordhin loo sameeyo xukuumadda, isla markaana ciidamo lasoo dhigay xarunta, taas oo ay sheegeen in ay sababtay in fadhagu qabsoomi waayo.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaannadi diiddanaa fadhiga golaha ee maanta, ayaa sababaha ay fadhiga uga soo horjeesteen ku macneeyay in aan xildhibaannada loo soo dirin ajandaha, maadaamaa xeer hoosaadka uu dhigayo in 24 saacadood ka hor la soo diro ajandaha.

Wuxuu ku dooday in ay ahayd in  guddida joogtada ay ka fadhiistaan ajnadaha oo ay usoo gudbiyaan, guddida caafimaadka oo aan la soo marin ajndaha caafimaadka ee la shaaciyey iyo inuu ajndaha ahaa wax uu guddoomiyaha keli ah iska soo qortay, sidaana ay ku diideen.

“Markaan aragnay Ciidamadda lasoo dhigay Baarlamaanka, waxaan u tagnay guddoomiyaha gollaha annaga oo guddi ah, waxaan u sheegnay guddoomiyaha xildhibaanada ilaa shalay in ay lahaayeen, “laba sannadood,ayaan ku dhufsanaynaa, “muddo kordhin xukuumadda” side  wax u jiraan ciidamadda naga saar oo ha laga hadlo labada sannadood laftooda , wuxuu nagu yidhi,  “ma saarayo ciidamadda aniga ayay i ilaalinayaan anaana dalbaday” sidaa waxa u sheegay BBC-da Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

 

“Baarlamanka maanta ayaa la furay sababta loo furayna waxay ahayd cudurka Covid-19 dalka aad iyo aad ayuu u sameeyey umadda aad bey ugu dhamaatay sidaa darteed ayaa baarlamaanka maanta loo furay si looga hadlo sidi arrintan wax looga qaban lahaa ajanda hoose oo qarsoonaana ma jirin, dharcad joogayna ma jirto waa been abuur ay samaysanayaan isheydana wax ciidan ah ma qabanin ” sidaa waxa tidhi, xildhibaan Ubax Tahliil Warsame .

 

Xildhibaanad oo ka mid ah xildhibaannada taageersanaa fadhiga golaha inuu qabsoomo, ayaa u sheegtay BBC-da in xubnaha la shaqeeya guddoomiyaha baarlamaanka kuraasti ay fadhiisan lahaayeen ay dhowr xildhibaan fadhiisteen, isla markaana ay qash-qashaad ka sameeyeen halkaa, waxay sheegtay in markii guddoomiyaha baarlamaanku arkay kursigii, makarafoonki oo lagu haysto uu ku dhawaaqay inuu baarlamaanka xidho oo sidaa fadhigu ku xidhmay.

 

“Haddii ay wadahadallada socda ee arrimaha doorashada heshiisyo ka soo bixi waayaan oo la isku mari waayo baarlamaanka talada halkaas ayay u taallaa isha keli ee furan waa baarlamanka, isaga ayaana go’aan ka gaadhaya ee maaha wax go’aan qof gaadhi karaa ma jirto, laakiin hadda waxa aan sheegi karo ma jirto ayay tidhi.

Shir guddoonka baarlamaanka, ayaa fadhiga qabsoomi waayey ku eedeeyay xildhibaano ay sheegeen in ay ka dambeeyeen, kuwaas oo sida ay ku hanjabeen tallaabbo laga qaadi doono, balse xildhibaanada ayaa shir guddoonka ku eedeeyay in uu dastuurka ka tallaabsanayo, isla markaana uu sharciga ku tumanayo oo ay guddoomiyaha laftiisa mooshin ka keeni doonaan.

 

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com