Araweelo News Network.

#Jubbaland isbedel lagu Sameeyay #Hay’addaha #Amaanka

Kismaayo(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland oo xaruntiisu tahay Magaalada Kismaayo, ayaa is bedel ku sameeyay saraakiisha Hay’addaha amniga ee Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland oo uu ku saexeexanyahay Madaxweynaha Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu sheegay in loo mgacaabay masuuliyiin cusub Taliska Ciiddanka Booliska Iyo Hay’adda Sirdoonka ee maamulkaa.

Taliyaha Ciiddanka Booliska Jubbaland, ayaa loo magcaabay Sareeye Gaas, Maxamed Cabdi Sheekh, Taliye xigeenka Booliska ayaa loo magcaabay Gaashaanle Sare, Maxamed Guuleed Xasan, halka Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Jubbaland loo magacabay Maxamed Axmed Sabriye.

Qoraalka oo ku taariikhaysan 17 April, 2021, waxaanu kasoo xiganay Barta uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ku leeyahay Twitter, wuxuu sheegay inuu u cuskaday Dastuurka Jubbbaland, balse ma sheegin sababta xilligan isbedelka loogu sameeyay Hay’addaha amniga ee Jubbbaland.

Arrinatan ayaa kusoo beegantay xilli khilaafka Soomaaliya ee ka taagan doorashada lagu heshiinweeyay iyio mudada loo kordhiyay maamulka xukuumadda federaalka ee Farmaajo oo sii kordhiay khilaafka sii xooggaysanaya ee Somalia, iyadoo laga cabsi qabo in xaalladu faraha ka baxdo, isla markaana ay ka faa’idaystaan kooxaha jecel fawdada iyo kala danbayn la’aanta Soomaaliya ka taagnayd soddonkii sannaood ee u danbeeyay.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com.