Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa soo saaray qoraal uu ku macneeyay dhab u jihaynta doorashada oo uu ku baaqayo in xilka doorashada laga wareejiyay ra’iisal wasaare Maaxmed Xuseen Rooble.

Baaqa uu soo saaray Madaxweyne farmaajo, wuxuu si cad ugu sheegay in ra’iisal wasaare Rooble ku fashilmay meel marinta arrimaha doorashada, isla markaana ku tagri-falay awooddii, sidaa awgeed wuxuu ku baaqay in shir wadatashi laysugu yimaado, kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Gollayaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo soo saaray Axaddii oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhigana nuxur ahaan sidan:-

“Madaxweynuhu Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;

Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaadheen Dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),

Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Gobolleed iyo Guddida Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;

Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Gollaha Shacabka 1-dii May 2021,  taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble;

Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxeexii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aannay weli dhammaystirmayn doorashooyinka dalka;

Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.

Markii ay caddaatay in Ra’iisal Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.

Markuu arkay in Ra’iisal Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;

Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;

1. In Ra’iisal Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Gollayaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammaystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xidhiidha a doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Dhammaad.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Agaasimaha Warfaafinta & XidhiidhkaWarbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.