Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay laamaha amniga ee magaalada Muqdisho kaddib qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in ra’iisal Wasaaruhu  ka dhageystay warbixin la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay saraakiisha laamaha ammaanka, gaar ahaan falkii xalay lagu gumaaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, isla markaana sii xoojiyaan dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda Somalia ee Muqdisho.

“Waxaa laga sugayaa Hay’addaha Amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tamar darraynaysaa maalinba maalinta ka danbaysa kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada.”ayuu yidhi.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa intii kulanku socday ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xidhiidha amniga iyo howgallada lagu xoojinayo.

Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisal Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidiyay dhaawacyadii qaraxu sababay iyo dadaal ballaadhan oo ay sheegeen in lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gar-gaar caafimaad oo dhammaystiran.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Allah uga baryay in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkaa oo uu ku macneeyay mid waxashnimo ahaa oo ay geysteen wuxuu ugu yeedhay argagixisada, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay ehelkooda iyo qoysaskii ay ka dhinteena ka tacsiyadeeyay.