Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ras’iisal wasaraaha Dawladda Federaalka ee Soomaalya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taageero u helay baaqiisa shirka wada tashi qaran ee arrimaha dootrashooyinka Soomaaliya.

Shir uu guddoomiyay, ayaa lagaga hadlay arrimaha amaanka iyo doorashooyinka murranka iyo xiisaddaha siyaasadeed hadheeyeen ee Soomaaliya.

Kulankaa oo Khamiistii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa qabsoomay xilli Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble khilaaf soo noq-noqday uu si weyn u gilgilay amaanka Magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay kulanka uu gudoominayay ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo shirka wadatashiga qaran ee ra’iisal wasaare ku baaqay.

“Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka ,siyaasadda,amniga iyo doorashooyinka dalka.”ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble.

Qoraalka, ayaa lagu caddeeyay in xubnaha gollaha wasiirradu cambaareeyeen, waxay ugu yeedheen isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxayna xuseen in ay ka xun yihiin falkaa.

Sidoo kale, qoraalka, ayaa lagu sheegay in gollaha Wasiirradu isku raaceen in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’addaha dastuuriga ee dalka, iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu uu soo magacaabi doono guddi ka kooban 5 xubnood oo baadhis dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen., waxayna u muuqataa in baaqu yahay mid qayb ka ah taageerada uu ku doonayo Rooble in uu iskaga caabiyo Maadxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Gollaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xisaab Xidhka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. isla marakaana waxay ayideen qorshaha sugidda amniga caasimadda, kaddib markii ay gollaha wasiirrada usoo bandhigtay Wasaaradda Amniga Guddaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ciidamadda qalabka sida.

Gollaha Wasiirada ayaa u mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisal Wasaaraha ee doorashooyinkia iyo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu Ra’iisal Wasaaruhu ku dhawaaqay.

Shirka oo uu guddoomiyey R’a’iisal Wasaare Rooble,, waxa lagu soo qaaday sida lagu xusay qoraalka arimaha abaaraha iyo cuddurka COVID-19.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com