Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi, Geerida Marxuumka?

#Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Axmed Xaaji Cali Caddami oo ka mid ahaa haldoorka siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo dhismaha qaranka Somaliland, ayaa ku geeriyooday maanta 3 Feruary 2023, Magaalada Hargyesa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka tacsiyeey qaranka Somaliland geerida maxrkuumka, iyadoo dhambaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Cali Caddami oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 03/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Madaxweyne Biixi, ayaa ku sifeeyay marxuumka Oday siyaasi ah oo waayo-arag ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyay ee loo soo maray dalka, sidoo kale, wuxuu sheegay inuu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb galay shirweynihii beelaha Somaliland ee dib u heshiisiinta iyo aayo ka tashiga ee magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland 18-may 1991.

 

Sidoo kale, Marxuum Caddami, wuxuu kaloo ka qaybgalay shirweynihii kale ee Beelaha Somaliland ee magaalada Boorama 1993, kaas oo ahaa shirkii madaxweynaha loogu soo doortay Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isagoo Marxuum Axmed Xaaji Cali Caddami xukuumaddii xilligaa ee Marxuum Cigaal ka noqday Wasiirkii wasaaradda Caafimaadka Somaliland, iyadoo markaa kaddib  Madaxweyne Cigaal u magacaabay Komishankii u horeeyay ee Doorashooyina 2001. Marxuumka ayaa noqday Guddoomiyihii u horeeyay ee Guddida Doorashooyinka Qaranka ee qabtay doorashadii May 2003, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin tartan adag oo hoggaamiyihii mucaaradka Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo dhexmaray, iyadoo Madaxweyne Rayaale guushu ku raacday 80 cod oo murran dhaliyay.

Marxuum Axmed Xaaji Cali Caddami, wuxuu sidoo kale noqday Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, isagoo xilkaa hayay 2010,- 2017.

 

Axmed Xaaji Cali Caddami, wuxuu xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka ahaa xubin muhiim ah, isagoo horgale u ahaa guddi kasta oo Madaxweyne Siilaanyo magcaabo, taas oo muujinaysay aqoontiisa maamul iyo waaya-aragnimada mudada dheer ee uu siyaasadda iyo maamulka kusoo jiray.

 

Sidoo kale, waxa xusid muddan in  Marxuumku ka mid ahaa dadkii dhismeheeda kasoo qayb qaatay Jamhuuriyaddii Burburtay ee la isku odhan jiray Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilalka Maareeyihii Dekedda Berbera xilligii dawladdii Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa dadkii dhinaca Magaalada Caddan wax kusoo bartay, markii danbena loo dalacsiiyey maareeyaha dekeddaha Soomaaliya.

 

 

Dhinaca kale, Axmed Xaaji Caddami, wuxuu ahaa halyeey aqoontiisa, Odaynimadiisa iyo waaya-aragnimadiisa loo aayay, oo lagu majeerto deganaasho, dulqaad iyo aftahanimo cabqarimo ah oo cid walab raali geliya.sidaa awgeed wuxuu noqayaa Marxuumku tiir weyn oo ka baxay Somaliland

 

Tafaftiraha Shebakaddaha Araweelo News Network, Carraale M. Jaamac oo ku hadlaya magaca Bahda Araweelo News Network, wuxuu ka tacsiyaynaysaa geerida marxuumka shacbiga Somaliland, qoyskii, Ehelkii iyo asxaabtii, wuxuuna marxuumka Allah uga baryayaa denbidhaaf iyo inuu naxariista ugu deeqo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com