#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xafiiska Qurba-joogta Somaliland, ayaa soo saaray Baaq iyo boggaadin ku waajahan Jaalliyaddaha Somaliland ee ku filiqsan dacallada Aduunka.

 

“Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran isku tashaday oo muddo soddon sano ka badan xaqiijiyay horumar la taaban karo, dimuqraadiyad, deganaansho, nabadgelyo iyo iskaashi ahmiyad weyn u leh waddamada gobolka iyo beesha caalamkaba gaar ahaan xagga iskaashiga nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada ee gobolka, iyadoo Somaliland ku taal bogcad staraatiijiga ah oo ku taal Geeska Afrika. ” ayaa lagu yidhi, Bayaanka oo nuqul ka mid  ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network.

Bayaanka, ayaa lagu xusay in qaranka Somaliland ay xilligan kusoo duuleen caddaw isa soo urursaday, isla markaana doonaya inay minja xaabiyaan, sidaa awgeed waxa lagu bogaadiyay qurba-jooga iyo jaalliyaddaha Somaliland ee Yurub, Maraykanka, Carabta iyo dunnida kale dedaalkooda.

Bayaanka oo dhamaystiran halkan ka akhriso.