#Araweelo_New_Network.

#Somaliland  Boqol Geel Ah Oo Laga  Bixiyay Wiil #Masri Ah Si xorriyadiisa Loogu Celiyo

Sidee uga Dareen Celiyay Masriga  Laga Bixiyay 100 Geel ah Si Xabsiga Looga Siidaayo

Hargeysa(ANN)-Guddi culimo samafalayaal reer Somaliland ah ayaa maanta ku guulaystay innay xabsiga dhexe ee Hargeysa kasoo daayaan muwaadin u dhashay dalka Masar oo lagu magcaabo Kariim Maxamuud oo loo haystay  dilka marxuun Barre Muuse Aw Yuusuf  oo ah muwaadin Somaliland ah, kaas oo uu si lama filaan ah u jiidhay  baabuur uu watay Muwaadinka u dhashay  Masar gudaha magaalada Hargeysa horaantii bishii koowaad ee sanadkan 2024.

Munaasibad lagula kala wareegay magta ama (diyadda) oo ahayd lacag u dhiganta sideetan neef(80 Geela) oo geel ah ayaa maanta ka dhacday Huteelka Aroor ee magaalada Hargeysa. Waxaana guddidu ku wareejisay oo ahayd lacag u dhiganta sideetan Neef oo Geel ah qoyska marxuumkaas oo ku geeriyooday ee shilka gaadhi ku waayay wiilkoodii, kaas oo  ahaa muwaadin qabay xanuunka dhimirka, sida laga sheegay madasha.

Guddida culimada ah ayaa sheegay inay  lacagta magtaas ka soo ururisay dadweynaha reer Hargeysa, kadib markii ay u gurmadeen wiilka Masriga ah oo ahaa tagsiile ku xamaasha baabuur yar, kaasoo muddo dhowr bilood ee dambeeyay ku ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayaa maanta dib u helay xorriyadiisii kadib markii laga dulqaaday xaqii marxuumkaas.
Sheekh Mustafe Cabdi Xariir  oo ka mid ah guddidaas culimada ah ee ka hadashay  munaasibada ayaa ugu horayn ka war-bixiyay u-jeeddada kulankoodu daaran yahay, isaga oo yidhi; “taariikhdu markii ay ahayd 1-dii bishii kowaad ee sannadkan 2024 ayaa goor habeen ah baabuur uu waday wiil masri ahi waxa uu jiiday muwaadin la odhan jiray Barre Muuse Aw-Yuusuf,kaas oo qabay xanuunka dhimirka ayaa ku nafwaayey shilkaas oo ka dhacay jidka laamiga ee dhinaca bari looga baxo magaalada Hargeysa.  Sidaa daraadeed, Ninkaas oo Muslim qariib ah waxa lagama maarmaan noqotay in loo gurmado oo laga bixiyo magta, si uu xaqiisii u helo marxuumka dhintay, isagana laga soo saaro jeelka”.
Waxana uu intaas ku daray oo tilmaamay in arrintani tahay sadaqo khayri ah maadaama lagu samato-bixinayo nin marti ah oo muslim ah, kaas oo aan haysan ehel ka bixiya, isla markaana ku nool Somaliland.

Guddoomiyaha guddida Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibadaa ayaa caddeeyay inay qoyskii marxuumka dhintay ku wareejiyeen lacag la qiimo ah sideetan neef oo geel ah, taas oo ahayd magtii loo haystay wiilka Masriga ah , waxaana uu carabka ku dhuftay in qoyska marxuumku ay iskood u dhaafeen labaatan neef oo geela maadama magta ninka ragga ahi ay tahay boqol geel ah.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxa uu ku dheeraday wanaaga iyo khayrka ku jira in loo axsaan falo walaalaha muslimka ah ee dhibtu haysato, isaga oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay cid kasta oo wax ku darsatay magdhowga ah ee lagu samata-bixayay wiilka Masriga ah oo ah miskiin qariib ah oo aan ehel iyo walaal midna u joogin Hargeysa. “Magtadii loo haystay Kariim Maxamuud annaga oo aan waxba faraha ku haynin waxaanu la kaashanay ILAAHAY oo dumnada ayaanu saarnay oo wuu noo fududeeyey.”Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Ismaaciil.
“Mago iyo culeysyo ka baddan dalkayga wuu yaala, reero fara baddan oo intaas oo maga lagu leeyahay ayaan ogahay oo si ay isaga dul-qaadana aanay garanayn.Laakin tani waxay kaga duwan tahay waa nin qariiba oo waddankiisi aan joogin…..”Ayuu yidhi Sheekh Maxamed, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ydh“Innaga ciwaankeena iyo baasaboorkeenu waa LAA ILAAHA ILALAAHU MUHAMEDUL-RASUULULAAH. AL-raaximuuna yarxamu humu raxmaan.”
Oday Keyse Aadan Axmed “Keyse Black” oo ka mid ahaa guddida culimo samafalayaasha reer Somaliland ah, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi, “Soo uruurita lacagta magtada ah ILAAHAY aad ayuu noogu fududeeyay, oo qofkasta oo aan u tagnaana wuu na soo dhaweeyey,bulshadana waxaan kala kulanay khayr baddan, wixii aanu u baahnayna ayaanu ka helnay,”
Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Cali Xirsi Cigaal “Dhag-dhaqaaje, oo munaasibada ka hadlay ayaa  yidhi “Magtaas waanu bixinay, boqol Neef oo Geela ayey ahayd labaatan ayaa nalaga daayay sideetankii kale waanu bixinay akoonadiina xisaabaadkana sidaas ayaanu ku xidhnay,rag baddan ayaa noo ballan-qaaday inay Ramadaanta bixinayaan wixii aad ku tallogasheen masaakiinta siiya. Dhulkii nala siiyayna oo ahaa baloogyo (Blocks) iyo jagooyin kale-ba waanu celinay. Dad dhul la siiyay oo celinaya annaga ayaa ugu horeynay” ayuu yidhi.

Ganacsade Maxamed Usaama oo ninka Kariim Maxamuud  ee jiidhay muwaadinka reer Somaliland oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola-caddeyn oo munaasibadaas ka hadlay ayaa  yidhi “Dadku macdanta ay ka sameysan yihiin, gobanimadooda iyo dunta ay yihiin waxa lagu gartaa marka ay dhibaato dhacdo. ILAAHAY junuudiisa ii sakhiray ee aan ku ogaaday dadka Somaliland degeni inay yihiin dad Goba oo wanaagsan oo uu ILAAHAY nagu dhex asturay”.

Kariim Maxamuud oo ah wiil dhalinyaro reer Masar ah, oo ILAAHAY ku sababay Marxuumka geeriyooday ayaa u mahad-celiyey cidkasta oo gacan ka geysatay bixinta magtii loo haystay ee uu u xidhnaa.

Sheekh Cabdirisaaq Siyaad Aw Cabdi ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadkii muxsiniinta ee magta laga soo ururiyay, Ciidamada ammaanka waddooyinka iyo maxkamadda garsoorka iyo Suldaan Qafaar: “Waxaanu u mahad-naqaynaa Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Axmed Mooge, oo si sharaf iyo karaao leh noo qaabilay,isla markaana xabsiga ku booqday muddadii uu xidhnaa Kariim Maxamuud.

Sheekh Al-Xuseeni Nuur Axmed oo Xafladaa kusoo gunaanaday duco qiima baddan, ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha ka siiye, ayaa madasha kusoo gunnaananaday duco iyo dardaaran.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com