Xannuunka Dengue Iyo Halistiisa, Sidee Uga Badbaadi Kartaa, Maxay Yihiin Astaamaha Iyo Marxaladdaha Uu Maraa, Halkee Kasoo Guuray?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dad baddan oo Somaliland, ayaa muddooyinkii u danbeeyay u geeriyooday xummada aadka u daran ee uu dhaliyo xannuunka Dengue, kaas oo aan noociisu hore loogu sheegin geyiga Somaliland.

Cusbitaalada Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, ayaa laga dareemay, iyadoo Cusbitaalka Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa oo keliya ugu yaraan labaatan bukaan oo xannuunka Dengue asiibay la keenayo maalintii sida ay shebekaddaha Araweelo News Network u xaqiijiyeen qaar ka mid ah hawlwadeenada Cusbitaalku.

Bukaanadda xumadda daran ee uu dhaliyo fayraska Dengue, ayaa loo qorsheeyay Waadh gaar ah si loo daryeelo xaalladooda caafimaad, balse waxay hawlwadeenada iyo weliba qaarka mid ah Bukaannada kasoo samatabaxay  u sheegeen Araweelo News Network in bukaannada qaarkood ku geeriyoodeen cusbitaalka intii lagu jiray gurmadka caafimaad ee loo samaynayay, kuwaas oo xaalladooda waxba laga qaban kari waayay.

Sidoo kale, Xabaallaha ku yaala afarta jiho ee magaalada Caasimadda ee Hargeysa oo ay ku nool yihiin tiro ahaan dadka ugu baddan, ayaa laga dareemay  dhimashada oo korodhay marka loo eego intii aan xumadda Dengue ku waaberiisan Hargeysa, waxayna dad baddani tilmaamayaan in sababta korodhka dhimashada uu qayb weyn ka yahay Fayraska uu sababo xannuunka Dengeu ee xumadda oo dad baddan galaaftay nolloshooda, ama sabab looga dhigay.

Dhakhaatiirta Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay markii la dareemay xannuunka, wallow aannay jirin Somaliland goob heer qaran  ah oo si gaar ah loogu shaybaadho xannuunada la garanwaayo (SCFD), ama aan hore loogu arag geyiga Somaliland noociiisa. Sidoo kale, waxa murran iyo dooddo ka dhasheen qaabka loo kala qaadanyo xannuunka ee uu ku faafayo iyo waxyaabaha lagula tacaalayo.

In kasta Dengue ku cusubyahay Somaliland, maaha xannuun ku cusub dunidda, marar baddan ayaa dhinaca Soomaaliya lagu sheegay, balse wuxuu saldhiyo ku leeyahay Dalalka Bariga Fog ee Eeshiya, sida Malaysia, Koonfurta Ameerika iyo meelo kale oo sannad walba uu malaayiin qof nolloshooda galaafto, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan  ah in aan wax ka oggaano Xannuunka Xumadda Dengue Iyo Halistiisa ah, sida looga badbaadi karo, sida lagu oggaanayo ee Astaamaha uu leeyahay, ama lagu arko bukaanka, marxaladdaha uu sababo iyo sida looga soo kabto, balse marka hore, waxaynu eegaynaa waxa ay u sibir-saareen khuburada caafimaadku ee dhaliya xannuunka iyo sida uu ku faafo.

Waa maxay Dengue?

Xumadda Dengue waxaa sababa Fayras inta baddan lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dhediga ee nooca (Aedes aegypti). Calaamaddaha Dengue waxay u dhexeeyaan  ilaa calaamado hargab oo kale ah. Qayb yar oo dadka ka mid ah ayuu ku dhacaa xanuunka daran ee Dengue, kaas oo sababi kari xaalad khatar ah oo gaadhsiisan heer noqon kara dhimasho.

Hase yeeshee sida ay Khuburadu Caafimaadku sheegayaan,  waxa jira afar fayras dengue oo xidhiidh dhow la leh, kuwaas oo loo yaqaan (Serotypes dengue). Inkasta oo ka soo kabashada infakshanku ay ka hortagto isla  Fayraska (Dengue serotype), balse waxay sidoo kale kordhisaa halista Dengue daran haddii dadku ay hadhow ku qaadaan Serotype kale.

Khuburadda Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO, waxay isku raacsan yihiin in xannuunka Dengue yahay cuddurka Fayraskiisa Kaneecadu gudbiso, ama laga qaado,  kuwa ugu baahsan adduunka.

Fayraska, ayaa si xawli ah u fida sababtoo ah isbeddelka cimilada, magaalooyinka oo deg-deg ah, iyo korodhka dadweynaha, ayaa door ka qaata, wuxuuna ka mid yahay Cuduradda dillaaca badanaa xilli -roobaadka. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku tilmaamay dengue mid ka mid ah tobanka ugu sarreeya ee khatarta ku ah caafimaadka bulshada.

Sidee loo ogaadaa Dengue?

Infekshanka Dengue waxaa lagu ogaan karaa siyaabo dhowr ah, kuwaas oo dhammaantood u baahan muunad dhiig ah. (Reverse transcriptase–polymerase chain reaction (RT-PCR) waxay si toos ah u ogaataa fayraska waana heerka dahabka; waxaa la isticmaali karaa maalmaha ugu horreeya kaddib caabuqa. Tijaabooyin ogaanshaha degdega ah ayaa sidoo kale la heli karaa, kuwaas oo tijaabiya borotiinka uu soo saaro fayraska loo yaqaan NS1. Hababka serological waxaa loo isticmaali karaa in lagu xaqiijiyo dhawaan qiyaarii 3dii bilood ee la soo dhaafay) ama caabuqa hore, sida ay sheegayaan khuburadu.

Waa maxay habka ugu dhaqsaha badan ee looga soo kabsan karo xumadda Dengue iyo dawooyinka loo baahanyahay ma jiraa tallaal ilaa hadda, jawaabaha su’aalaha iyo kuwo kale halkan kala soco…..

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com