Daawooyinka Ay Ka Digayaan Khuburada Caafimaadku iyo Kuwa Lagula Tacaalo Xumadda Fayraska Dengue

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xumada Fayraska Dengue, ayaa sababtay in labadii bilood ee u danbeeyay ay u dhintaan Dad baddan guddaha Somaliland, waxaana Cusbitaalada jiifa bukaano tiro baddan oo daryeel ahaan loo keenay, kuwaas oo tiradoodu kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa.

ALT: Araweelo News
BUkaano ku sugan Cusbataalka Hargeysa, Image Araweelo News Network, 16 Oct 2022

Magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco, ayaa muddooyinkii u danbeeyay dadkii u badnaa u geeriyoodeen xummada aadka u daran ee uu dhaliyo xannuunka Dengue, kaas oo aan noociisu hore loogu sheegin geyiga Somaliland, wallow dhinaca Soomaaliya iyo dalalka Eeshiyada foga iyo Laatiin Ameerika inta baddan lagu yaqaanay Dengue.

Laxidhiidha: Somaliland: Dhimashada Uu Sababay Fayraska Dhaliya Xumadda Ee Dengue

Cusbitaalada, ayaa noqday dadka la dhigayo waadhadhku maalmihii u danbeeyay in ay yihiin kuwo uu haleelay xannuunku, iyadoo Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa oo keliya ugu yaraan labaatan bukaan oo xannuunka Dengue asiibay la keeno maalintii, iyadoo aannay tiradaa ku jirin dadka la geynayo cusbitaalada gaarka loo leeyahay, kuwa guryahooda lagu hayo iyo kuwa awooddi waayay in ay gaadhaan Cusbataalka sida ay shebekaddaha Araweelo News Network u xaqiijiyeen qaar ka mid ah hawlwadeenada Cusbitaalku.

Bukaanadda xumadda daran ee uu dhaliyo fayraska Dengue, ayaa loo qorsheeyay Waadh gaar ah si loo daryeelo xaalladooda caafimaad, balse waxay hawlwadeenada iyo weliba qaarka mid ah Bukaannada kasoo samatabaxay  u sheegeen Araweelo News Network in bukaannada qaarkood ku geeriyoodeen cusbitaalka intii lagu jiray gurmadka caafimaad ee loo samaynayay, kuwaas oo xaalladooda waxba laga qaban kari waayay.

Dad baddan oo bulshada ka mid ah ayaa ku tilmaamay Fayraska Dengue dilaa qarsoon oo si hoose u laynaya dadka, iyadoo ay dhimashadu noqotay mid si weyn looga dareemay xabaalaha iyo xaafaddaha labadii bilood ee u danbeeyay, wallow aan la hayan tirada rasmi ah ee u dhimatay.

Fayraska Dengue oo ku cusub Somaliland, maaha mid si dhab ah bulshadu uga warhayso sida uu ku yimaado, xaaladdaha uu sababo iyo dawooyinka ilaa hadda khuburadu ku talinayaan in la cuno iyo kuwa laga digayo.

Sidaa awgeed macluumaad baddan oo la xidhiidha Fayraska Dangue astaamaha lagu garto iyo khatarta dhimashada sababi karta, oo khuburada caafimaadka ee aduunku kaga hadleen ayaa lagu sharaxay arrimahaa.

Waxyaabaha la sameeyo si aad dhakhso uga soo kabato qandhada Dengue

1. Ilaali fuuq-bax. Cab cabitaanno badan (biyo, cabitaan (isotonic), casiirka khudradda iyo maraq) si aad u ilaaliso tamarta iyo awooddu in ay kaa lumaan oo aad fuuq-baxdo.

2. Xakamaynta calaamadaha. Xumadda iyo kala goysyada xanuunka waxaa lagu nafisi karaa qaadashada paracetamol.

3. Iska ilaali dhiig baxa.

4. Cuntooyinka la cuno oo aan laga fogaan.

Waa maxay Afarta marxaladood ee qandhada Dengue?

5. Dengue wuxuu si lama filaan ah u bilaabmaa kaddib xilliga soo-baxa caadiga ah ee 5-7 maalmood, wuxuuna yeeshaa 3 weji: qandho, halis ah, iyo bogsasho.

Waa maxay daawaynta hadda ee Fyaraska Dengue?

Ma jiraan dawooyin gaar ah oo ka hortag ah oo lagu daweeyo caabuqa Dengue?

Ilaa hadda ma jiraan dawooyin lagaga hortago, balse Acetaminophen ama paracetamol ayaa la qaadan karaa si loo xakameeyo xanuunka murqaha, xanuunka, iyo qandhada. Daawooyinka aan steroidal-ka ahayn ee ka hortagga bararka sida ibuprofen iyo aspirin waa in laga fogaadaa.

Bukaanjiifka cisbitaalka la seexiyay waa in si dhow loola scdaa oo si taxadar leh loo maareeyo qaadashada dheecaankooda, iyadoo la raacayo habraacyo adag. Waddamada laga heli karo ogaanshaha hore iyo daryeelka caafimaadka, heerka dhimashada Dengue ayaa hoos uga dhacay 1%, halka kuwa daryeelkooda caafimaad hooseeyo ay dhimashadu sare u kacday.

Ma jiro Tallaal rasmi ah, balse waxa jira ilaa xilligan Tallaalka hadda la heli karo oo ku xaddidan dadka da’doodu u dhaxayso 9-45 jir ee ugu yaraan hal dhacdo oo hore ugu dhacay caabuqa fayraska dengue, balse waxa dhowaan la qiimayaana dhawr tallaal oo kale si loogaa hortago halista Dengeu.

Marka aannu bukaanadu lahayn doorasho waxyaabaha ku haboon iyo daryeel caafimaad, waxa uu waajahayaa khatarta ah inay dadku ku dhacaan Dengue xun, kaas oo suurtagal ah in ay u dhintaan.

Maxaa daawaynta cusub ee dengue loo baahan yahay?

Daawaynta gaarka ah ee Dengue ayaa loo baahan yahay si loo daweeyo cudurka marxalado kala duwan iyo in la yareeyo khatarta infekshanku u gudbo cudur daran.

Waa maxay daawaynta Dengue ee la hayaa?

La soco…..

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com