“Wasaaradda Ka Been Sheegtay Buugga, Caafimaadka Bulshada Kama Sheegayso Run” Sadiiq Dhamme

Araweelo News Network.

Dadka U dhimanaya Xannuunka ayaa kordhaya maalin walba, iyadoo Bukaanadu Cusbitaalada Buuxiyeen.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa soo bandhigay fadeexad dul hoganay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo la xidhiidha qaabka ay u waajahday Xumada Fayraska Dengue, oo sababtay in labadii bilood ee u danbeeyay in ay u dhintaan dadkii ugu badnaa guddaha Somaliland.

 

Cusbitaalka weyn ee Hargeysa, ayay bukaanada ugu baddan noqdeen kuwa uu haleelay xannuunka Dengue, iyadoo ay jiifaan bukaano tiro baddan oo daryeel ahaan loo keenay, kuwaas oo tiradoodu kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa.

 

Sidoo kale, Cusbitaalada gaarka loo leeyahay ayaa noqday saxmad, kuwaas oo lagu soo daabulayo dadka uu haleelay xannuunku, halka tirada dadka uu galaaftay nafahooda ay sii kordhayaan.

Laxidhiidha:  Callaamaddaha Lagu Garto Xannuunka Dengue

Wasaaradda Caafimaadka, ayaa si weyn loogu dhaliilay qaabka ay xaaladda uu sababay xannuunku u waajahday, iyadoo awooddi weyday in ay soo bandhigto tirada uu haleelay xanuunku iyo dadka u dhintay, isla markaana aan samayn wax wacyigelin ah oo la xidhiidha xanuunka oo si hoose oo xawli ah ay maalinba maalinta ka danbaysa u geeriyoonayaan dadku.

 

Todobaadkii hore 19 Oct, ayay wasaaradda Caafumaadku soo bandhigtay Buug yar oo Hab-raac ah oo ay ugu yeedhay (National Guidelines), kaas oo sida ay sheegtay tilmaamaya xannuunka iyo qaabka loo dawaynayo bukaanada uu asiibo Dengue. .

Laxidhiidha: Daawooyinka Ay Ka Digayaan Khuburada Caafimaadku

Hase yeeshee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku dhaliilay Wasaaradda qaabka ay u waajahday xannuunka iyo sida aannay wax masuuliyad ah isaga saarain dadka maalin walba dhimaya ee xannuunku ku dhacay.

Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa soo bandhigay fadeexado dul-hogganaya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, isagoo sheegay in  19 October 2022 Wasaaradda Caafimaadku soo bandhigtay Buug yare  Hab-raac ah oo lagula tacaalayo Xannuunka Xumadda (National Guidelines), balse wuxuu sheegay in ay fadeexad tahay in Hab-raacaa oo laga soo dheegay dalka Sri Lanka aan la siin xuquuqda qoraal,

Laxidhiidha: Somaliland: Dhimashada Uu Sababay Fayraska Dhaliya Xumadda Ee Dengue

Sidoo kale, wuxuu sheegay Sidiiq Dhamme oo maanta Warbaahinta usoo bandhigay labadaa Buug  in Hab-raaca dalka Sri Lanka la qoray December 2010,  isagoo ku tilmaamay xatooyo Hanti Caqliyeed (Intellectual Property) “qoraalka labada Hab-raac xanbaarsan yihiin waa isku mid,” ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Sidee Uga Badbaadi Kartaa Xanuunka Dengue Ee Galaaftay Nollosha Dad Baddan

Hase yeeshee waxa sheegay in ay ku kala duwan yihiin jeldiga oo keliya. “Waxa la yidhi waxa galay waqti, lacag iyo dadaal haddana waxa laga soo dejiyay (download) Google-ka tacab la’aan, marka ay sidaa tahay, sidee ayay run uga sheegi kartaa xaalada Caafimaad Wasaarddu?

 

Hab-raacan oo sida uu sheegay Sidiiq Dhamme la soo xaday waxa ku qoran Adeegyo Caafimaad oo aan laga helin dalka Somaliland, isagoo dhinaca kale xusay in Hab-raaca Sri Lanka la qoray December 2010, lagu xusay in laba sannadood si ku meelgaadh ah loo isticmaalayo, balse waxa uu ayaandaro iyo khiyaamo ku tilmaamay in hab-raaca Sri Lanka oo ay Wasaaradda Caafimaadku ku sheegtay Somaliland, National Guidelines on management of Dengue fever and Dengue hemorrhagic fever 2022. Uu yahay mid xilli kooban oo weliba tobban sannadood ka hor la qoray, sidaa awgeed aannu ahayn in loo adeegsado Bulshada Somaliland caafimaadkooda.

Sadiiq Dhamme, waxa kale oo uu sheegay in dawooyinka ku qoran ee xannuunka lagula tacaalayo aannay ahayn qaar Somaliland yaala, sidaa awgeed ay wasaaraddu samaysay khiyaamo qaran.

“Ganacsatada dawooyinka waxaan leenahay waad aargtaan wasaaraddii dalka u qaabilsanayd Caafimaadka ee ummadda badbaadiya oo dawooyinka loo baahanyahay u keena oo u naxariista.” Ayuu yidhi.

Sarkaalka WADDANI, wuxuu sheegay in Cusbitaalka dadka dhiiga shubaya laga qaado lacag aannay awoodin, isla markaana xilligan oo nolloshu adagtahay xataa Marakaneecadii hay’adduhu bixin jireen lagu iibinayo suuqa, iyadoo weliba aannay dadku iibsan karin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com