Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)- Xaaaladda Dagaalka Ethiopia ee u dhexeeyay Tigrayga iyo ciidanka dawladda, ayaa galay marxalad adag, iyadoo ciidamada dawladda Ethiopia ee Federaalku ay qabsadeen magaalooyin muhiim ah.

Qabasashada magaalooyinka oo ah kuwa istiraatiiji ah oo gobolka Tigray ayaa xaaladda dagaalka daba dheeraaday wax weyn ka beddelay, iyadoo ciidanka dawladda Federaalka Ethiopia qabsadeen saddex magaalo oo ka tirsan gobolka Waqooyi ee Tigray, sidaana waxa sheegtay warbaahinta dowladda Salaasadii, iyadoo laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin Koonfurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada dawladda Federaalka, ayaa taagero ka helay iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea iyo malayshiyaad gobolka ah, kuwaas oo dagaal goos-goos ah kula jiray ciidammada Tigrayga muddo laba sanno ah tan iyo November 2020.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda dawladda Federaalka.

Hase yeeshee Afhayeenka ciidammada Tigray ayaan wax jawaabin sheegashada dawladda, balse maamulka Tigraygu ayaa qiray inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee dhanka caasimadda Mekelle.

Magaaladda Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed oo muhiim ah, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. waxaana ku nool magaaladda Shire ku nool tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo iibsadaan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyagoo ka cabsi qaba in sidii dhacday markii dagaalku bilaabmay ee ciidamadu qabsadeen halkaa ay dhacdo, waxayna arrintan sii kordhanaysaa in maciishaddu noqoto gabaabsi, maadaama oo laga cabsi qabo in ciidammada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladda Mekelle.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa tallada dalka Ethiopia, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awooddaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Dagaalka daba dheeraaday ayaa noqday mid xal loo waayay, waxayna qabsashada maagaalooyinka kusoo beegantay, iyadoo ay maalmahan soo baxayeen warar ka imanayay Midawga Afrika oo labada dhinac ugu baaqay wadahadal si loo soo afjaro colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, waxayna dhinacyada ku booriyeen in la bilaabo wadahadallo ay gadh-wadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidammada Eritrea laga saaro gobolka guddaha Ethiopia, balse baaqyada ayaa u muuqda kuwo aan meel mar noqon oo annay dhinacyadu dheg jalaq u siin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com