Araweelo News Network.

1960-kii  fikirka iyo riyada 5tii Gobol ee Soomaaliyeed oo midaysan waxay ka timi caqliga  dadka ka soo jeeda Gobollada Woqooyi.  firkirkaa reer Koonfur wax shaqo ah kuma lahayn.  balse waxay ahaayeen dad loo geeyey haddiyad aannay garanayn waxa ay tahay iyo Qiimaha ay ku fadhido.

Fikirkaa waxaa fashiliyay dadka reer Koonfurka ah.  Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ka jirta calanka Buluugga ah way Iska sidataa mana fahansana  wax qaddiyda ah uu xambaarsan Yahay. Waxa uu ka turjumayo badankoodu ma fahansana ilaa maantadan aynu joogno oo ay 62 sannadood laga joogo xilligaa.

Badankoodu waxay u haystaan inuu metelo Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo keliya (WAA CAQLIGA UNUKAA LEH ) .  Sidaa awgeed waa calan magac u yaal ah oo madhan kaasi oo ay Iska wataan reer Koonfurku.

Meesha waxaa taalla xisaab dhab ah, Koonfurta Soomaaliya maaha cidda laga hadlayaa dowladda Xasan Sheikh Maxmauud, ama dawladda Muqdisho,   waayo gacanta ayaa lagu hayaa waxaana gacanta ku haya dalka Qaramada midoobay iyo waxa ay ugu yeedhaan beesha caalamka.  sidaa awgeed waxaaba khalad ah in masiirka ummadeed lagala xaajoodo cid aannay waxba gacanta ugu JIRIN.

Sidaa awgeed Somaliland waxaan usoo jeedinayaa hal fikir oo aad u muhiim ah,  kaas oo ah inay Qaramada midoobay  xafiiskeeda siyaasadda Soomaaliya (UNSOM) iyo beesha caalamka ka Dalbato  in dawladda Muqdisho la soo fadhiisiyo oo shir beesha  caalamku goob joog ay ka tahay lagu kala baxo.

Shirkaa waxaa la keenayaa taariikhda saxda ah iyo ajandyaasha la xidhiidha Qaddiyadda la xidhiidha ujeeddooyinkii loo midoobay 1960 kii.

Ujeeddadii loo midoobay ma waxay ahayd in Woqooyi iyo Koonfur keliya ay samaystaan dowlad Soomaaliya la yidhaahdo ?  Jawaabtu waa ” Maya”. balse ujeedda loo midoobay waxya ahayd in 5tii Soomaliyeed hal dowlad loo sameeyo.

Qodobka uugu muhiimsan waxa weeye in marka hore taariikhda la xidhiidha sababihii loo midoobay la soo bandhigo, beesha caalamka na la fahansiiyo.  Waana sidan hoos ku Qoran.

”  1960 ujeeddada loo midoobay waxay ahayd in la raadiyo midnimada 5-tii Gobol ee Soomaaliyeed ee guumaystaha reer yurub uu  kala qaybiyay sannadkii  1884, iyadoo SHIRKII Baarliin ee dalka jarmalka ka dhacay ay ku qabsadeen guumaystaaashii reer yurub.  fikirkaasi ugu horrayn wuxuu ka yimi dadka reer Somaliland.  balse waxaa fashiliyay dadkii Talyaanigu guumaysan jiray ee reer koonfurka.  sidaa awgeed dowladda Soomaaliya haddii ay rabto in  Soomaaliya  oo mid ah  la helo , waa inay soo celisaa Gobollada Maqan sida  Jabuuti ( french somaliland)   Ogadeen ( somali region under Ethiopian Occupation).  NFD (Somali region under kenyan occupation).

Haddii Gobolladaa aannay dowladda Soomaaliya kusoo CELIN Karin  si ummadda Soomaaliyeed loo mideeyo taasi ah oo wixii 1960 lagu heshiiyey, Somaliland waxay xaq u yeelanaysaa inay noqoto dal madaxbanaan waana in beesha caalamku ay ka shaqaysaa sidii ay u aqoonsan lahaayd jamhuuriyadda somaliland.  haddii afti la  qaadayo waa in Somaliland u diyaar garoowdaa, mana aha inay ka baqdo Aftida.

Dariiqaa mid aan ahayn haddii loo maro aqoonsiga kama dambaysa ah somaliland way adkaan doontaa inay hesho aqoonsi rasmiya ( an official recognition). waayo baaddida waxaa laga doonaa halka ay ku maqantahay.  32 kii sano ee la soo dhaafay Somaliland baadida ka maqan waxay ka doonaysay meel aan ahayn halkii  ay jirtay.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah