Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirka Gollaha Wasiiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyad sannadeedka 20023.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2023, iyadoo oo ay dood iyo falanqayn dheer kaddib ku ansixyeen golaha wasiirradu miisaaniyada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay miisaaniyad sannadeedka 2023, oo cadadkeedu dhammaa 3,581,440,706,340, (Saddex Tiriliyan, shan boqol iyo kow iyo sideetan Bilyan, afar boqol iyo aftan milyan, todoba boqol iyo lixdan kun iyo saddex boqol iyo afartan shilin, taas oo sida uu sheegay miisaaniyad sannadkeedkii hore ee 2022, ka badan 4% (Boqolkiiba afar).

Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2023-ayaa sida la sheegay u kala korodhay sidan:-

  • Miisaaniyadda guud ee dawladda
  • Miisaaniyadda Dawladda dhexe
  • Miisaaniyadda dawladaha hoose
  • Hay’addaha Madaxa Bannaan
  • Mashaariicda Dibadda

Waxay korodhay ama ka badna tahay tii hore 4% sannadkan, halka misaaniyada dawladda dhexe ay korodhay 5% marka loo eego misaaniyadii hore.

Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023,  ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa arrimaha hoos ku qoran.

  1. Amniga
  2. Doorashooyinka
  3. Wax-soo saarka beeraha
  4. Biyaha
  5. Kalluunka
  6. Ilaalinta deegaanka
  7. Ictiraafka
  8. Dugsiyada Farsamada gacanta iyo
  9. Barnaamijka Shaqo Qaran

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa u akhriyey gollah wasiirrada oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen.

Wuxuu sheegay in iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka.

Wasiirka Maaliyada ayaa caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen.

Madaxweynaha Biixi iyo xubnaha golaha wasiirrada ayaa ku ammaanay dedaalkii wasaaradda horumarinta Maaliyada iyo hawl-wadeennadeeda oo ay sheegeen in ay wakhti geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2023-ka.

Dood iyo falanqayn kaddib, waxa uu  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay golluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023, iyadoo ay gollaha fadhiyeen 32 wasiir oo dhammaantood u codeeyey, mana jirto cid ka maamustay iyo cid diiday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Biixi Cabdi,  ayaa ansixinta kaddib waxa uu sheegay in wax walba loo huro qabsoomida doorashooyinka  inagu soo fool leh, shacbiga Somalilandna  waxa uu kula dar-daarmay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaa, qof walibana codkiisa cida uu doonayo uu siiyo, si walaaltinimo leh oo aan colaad lahayn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com