Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Thu, Apr 9th, 2020

Somaliland: Madaxweynaha, Guddoomiyayaasha Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Mucaaradka Oo Si Wada-jir Ah Uga Hadlay Arrimo Kala Duwan

Hargeysa(ANN)-Hoggaamiyaasha Somaliland, ayaa si wada-jir ah ugu diray Bulshada Somaliland fariimo la xidhiidha xaaladda waqtiga lagu jiro oo xanbaarsan kuwo siyaasadeed iyo kuwo Caafimaad, isla markaana waxay si isku mid ah uga jawaabeen dhawaaqyadii maalmihii u danbeeyay warbaahinta kusoo noq-noqonayay ee koox ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ka dhawaajinayeen oo la xidhiidhay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka golayaasha guurtida iyo wakillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyayaasha labada XXiisbi ee mucaaridka WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, waxay arrimahaa iyo kuwo kale ugu bayaamiyiy shacbiga Somaliland kulan safaaxada ay wadajir ugu qabteen maanta oo ka dhacay qasria Madaxtooyadda Somaliland.

Somaliland: Madaxweynaha, Guddoomiyayaasha Guurtida, Wakliilada Iyo Axsaabta Mucaaradka Oo Si Wada-jir Ah Uga Hadlay Arrimo Kala Duwan
Ka bilaw Midig, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, Baashe Maxamed Faarax, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCUD, Eng. Faysal Cali waraabe, qarsiga Madaxtooyadda Somaliland, 9 April 2020, Araweelo News Network.


Masuuliyiinta, ayaa si isku mid ah uga hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo cidda xaqa u leh inay ka hadasho, sidoo kale waxay bulshada u direen fariimo la xidhiidha badbaadada xannuunka COVID-19, iyo waxa laga yeelayo khilaafyadii ka taagnaa Komishanka Doorashooyinka qaranka.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka ugu sarraysaa waxa ay ugu horrayn bulshada ugu baaqeen inay qaataan awaamiirta iyo soo jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fekeraan badbaaddooda iyo badbaadadda shacabkaba, iyaga oo sidoo kale digniin u diray salaadiinta iyo madax-dhaqameedka maalmahan ka dhawaajinayay inay ku mashquulsan yihiin arrimaha siyaasadda oo ay sheegeen in aannay shaqadooda ahayn bulshadu u igmatay siyaasada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ka hadlay shirka jaraa’id ee madaxda qaranku ku qabteen xarunta madaxtooyada, ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay, waxana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen, waxana uu yidhi, “Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii hore la keenayo iyo haddii labo cusub la keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno, komishankuna inoo dhammaystirmo.”

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn shacabka uga mahadnaqay sida ay ugu dhego-nuglaadeen waanooyinkii ay soo jeediyeen guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga xannuunka COVID-19, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha, walaw sida uu Madaxweynuhu xusay ay weli Somaliland tahay meel nabdoon, balse aannay taas macneheedu ahayn in lays dhigto.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa caddeeyey maqifka Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho dhiggeeda Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado, “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in aannay waxba ka jirin dhawaaqyo uu ku macneeyay innay yihiin tashuushka, kuwaas oo sida uu sheegay iyo si habaqle ah bulshada loogu dhex tuuray maalmahan oo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ah sheeganayaan inay u tafo xaydateen ka midho dhalintiisa, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi,“Arrinta Somaliland wax la dhaq-dhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi, “shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, xilligan shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war- suuq.”


Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in maanta siyaasad meel layska dhigay oo dunidu ku mashquulsantahay cid walba sidii ay masiibadaa uga badbaadi lahayd, markaa maanta ma jirto cid siyaasad ka hadlaysa Aduunka ee waxa laga hadlayaa oo lala xarbiyaaya Coronavirus, ayuu raaciyay Madaxweyne Biixi.

Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu usoo jeediyey inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada qalloocan ee ay marayaan, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Haddii uu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu Bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu xil weyn iska saaray ilaalinta midnimada iyo isku duubnida qaranka, islamarkaana uu shir-guddoonka wakiillada ka codsaday in dib loogu soo celiyo xubnihii mucaaridku usoo magacaabeen Komishanka ee hore kalsoonida u waayey, waxana uu yidhi,“Waannu is aragnay labada shir-guddoon arrintaasna waannu ka wada-hadalnay, waxannu isla afgaranay in marka goluhu fasaxa kasoo noqdo aan kusoo celiyo labadii ay soo celiyeen, una waayo sheeganno golaha oo aannu u bandhigno sababta loogu baahan yahay inaynnu sii deyno, maanta midnimaynnu doonaynaa khilaaf ma rabno, khilaaf dheer oo laba sano ah baynnu kasoo baxnay, colaad baa ina haysa oo waakan cadowgu dusheenna wuxuu doono kaga hadlaya ee inoo tashana, xanuunkanaa ina haya oo midnimo u baahan.”

Ugu dambayntii madaxda kala duwan ee qaranka ugu sarraysaa waxa ay si wada-jir ah ugu mahadnaqeen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo shixnaddo agabka lagaga hor-taggo ah xannuunka COVID-19, usoo diray Jamhuuriyadda Somaliland, taas shalay soo gaadhay Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport, iyadoo la rajaynayo inay shixnaddo kalena maanta keenaan sida uu xusay Madaxweynaha Somaliland oo si gaar ah ugu madah celiyay dawladda Imaaraadka, kaalmada ay soo gaadhsiiyay iyo gurmadkii ay horre ugu soo gurmatay Duufaantii Saqar ee galbeedka Somaliland.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp