Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, Cafis Guud u fidiysy Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, Iyadoo laga duulayo faya-dhawrka caafimaad ee Maxaabiista, si aanay u saamayn xumaddu.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegtada ayuu ku yidhi,  Madaxweynuhu Markaan Arkay:   Qodobka 90aad, Faqraddiisa5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadd Somaliland.  Markaan Arkay:  Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022.

 

Markaan Tix-geliyay:  Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taariikhaysan 08/11/2022 ee ujeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

 

Markaan La-tashaday: Hay’addaha ay khusayso, Waxaan Go’aamiyay. In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.