Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii uû xalay ku dhaxay Magaalada Gebilay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee Boorama
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee Boorama

Madaxweynaha, ayaa markii uu gaadhay Magaalada Dilla dadweynaha deegaankaa oo sugayay soo dhowaynta Madaxweynaha Iyo wefdigiisa, waxa ay ku qaabileen farxad iyo damaashaad, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, Isla markaana ku sugayay. Wadooyinka.

Wefdiga Madaxweyna oo ku hakaday magaalada, wuxuu Madaxweynuhu fagaare kala hadlay dadkii soo dhoweeyay, isagoo uga mahad celiyay sida ay dareenkooda ugu muujiyeen ee usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha, ayaa markaa kadib u gudbay dhinaca Magaalada Boorama, iyadoo dadweynaha Magaalada Boorame si ballaadhan usoo dhoweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa, iyadoo Madaxweynuhu kormeeray halka ay marayso dhismaha Buundada (Bridge) Cusub ee isku xidhaysa Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Booramauu oo uu hore u dhagax-dhigay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo xiligana ah Guddoomiyaha Xisbiga, wuxuu ka qaygelayaai shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo loo qorsheeyay inuu ka furmo Magaalada Boorama maalinta Axada ee beri oo 25 February 2019.

Dhinaca kale Ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, ayaa ku qul-qulaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo ka qaybgelaya shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyadoo si weyn looga dareemayo dhaq-dhaqaaqa shirka.