Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay waxyaabaha lagaga dooday Kal-fadhigii 29-aad ee shirka golaha wasiiradda oo maanta lagu qabtay qasriga Madaxtooyadda. Sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda, waxa shirkaa oo uu guddoominayay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi lagaga hadlay arrimo baddan.

War-saxaafadeedka lagu soo koobay nuxurka waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa oo soo  gaadhay shebekadda Aaraweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:“Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici),  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasaaraddaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoollaha  iyo Horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha.

Ugu horrayn waxa golaha wasiirada warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac oo ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaysan, waxaanu wasiirku faah-faahiyey habsami u socodka hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII). isagoo golaha la wadaagay mashaariicda waaweyn ee laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), EU, GIZ iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka fuliyaan dalka.

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.
Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Mashaariicdaa oo ahmiyad weyn siinaya siyaasadda xukuumadda ee ku salaysan wax-soo saarka, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda iyo waddooyinka. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ay ku soo biirayaan dalal kale oo danaynaya inay qayb ka noqdaan sanduuqaa, kuwaas oo ku qancay habka daah-furnaanta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland u maamushay sanduuqa horumarinta Somaliland. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi), ayaa golaha wasiiradda u sharraxay hawlaha shaqo iyo hiigsiga waxqabad ee wasaaraddu wado, waxaanu tilmaamay in xoollaha iyo kalluumaysigu laf-dhabar u yihiin dhaqaallaha dalka, isla markaana wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa. Waxaanu dul istaagay inay diyaariyeen xeerarka kala ah:

1.            Xeerka Qaranka ee Xannaanada Xoollaha.

2.            Xeerka qaranka ee Karantiimada Xoollaha.

3.            Xeerka Caanaha Iyo

4.            Siyaasadda qaranka ee Xannaanada Xoolaha

Ugu danbayn garyaqaanka guud ee qaranka,  ayaa golaha wasiiradda ka horjeediyey xeerka xafiiska garyaqaanka guud, waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada xeerkaas.” Ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.