Hargeysa (ANN)-Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagu soo qaaday xaaladda amniga, dhaqaallaha iyo marxalada xilligan lagu jiro iyo weliba diyaargarawga munaasibada maalinta 18 May ee sannad-guuradii 35aad ee xuska maalinta ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda 18 May 1991 shirkii Burco.
Shirka oo maantaย  ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay arrimo baddan, ayaa ahaa mid aannay saxaafaddu goob joog ka ahayn, balse Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland yaa markii uu dhamamaday fadhigu kasoo saartay war-saxaafadeed.
“Fadhigan ayaa ahaa mid si weyn loogaga arrinsaday Xuska iyo Weynaynta 18-ka May oo ah Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL, gudaha dalka iyo daafaha caalamkaba.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada waxa hoosta laga xarriiqay in 18-ka May ay ku suntan tahay Maalinta Dareen-wadareedka Midnimo iyo Wadajirka Shacabka qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba.
Ajendaha Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ) ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.
๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa.
๐Ÿ‘) ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก, ๐๐š๐›๐š๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐ฐ๐š๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š:
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mudane Maxamed Yuusuf Cali (oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL) ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin waafiya ka siiyey marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen saddex arrimood ee kala ahaa: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Ceel-Afweyn iyo Diwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada; arrimahan oo run ahaantii ahaa kuwo Qaranka JSL u lahaa muhimmad gaar ah. Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen caqabado door ah oo ka horyimid, hawlahaasina ay ahaayeen kuwo u baahnaa ku dhac iyo geesinnimo. Wasiirku waxa uu sheegay, gargaarka Allah SWT ka sokow, in Madaxweynaha JSL uu ahaa ka mar walba la garab taagnaa go’aan adag iyo wax kasta oo ay hawlahaasi ku hirgeleyaanba.
๐Ÿ’) ๐—๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐๐ž๐ž๐œ๐š๐๐š:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey xanuunka Jadeecada oo ka dillaacay qaar ka mid ah Gobollada dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay juhdi iyo dedaal badanba gelinayaan sidii xanuunka Jadeecada loo xakamayn lahaa. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso wacyigelinta bulshada iyo dar-dar gelinta tallaalka carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sannadood.
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Saciid Maxamuud Buraale ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay safar shaqo oo isaga iyo team-kiisu ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Dubai, kadib casuumad rasmi ah oo ay u fidisay Shirkadda Caalamiga ah ee Maamulka Dekedaha DP World. Wasiirku waxa uu sheegay in uu halkaa ku soo arkay arrimo cashar iyo waayo-aragnimo laga baran karo oo la xidhiidha qaabka uu dal u horumari karo.
๐Ÿ”) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ฎ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ๐Ÿ–-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ:
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha hab-sami-u-socodka u diyaargarowga Xuska Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-raacyada iyo hab-maamuuska sannadkan loo qorsheeyey Xuska Maalinta Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan Wasaaradda Waxbarashadu ay door muhiim ah ku leedahay u diyaargarowga 18-ka May, iyaga oo ardayda Dugsiyada dalka si weyn ugu baraarujiyey Xuska 18-ka May.
๐Ÿ•) ๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐๐š๐š๐๐ž๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š:
Golaha Wasiirrada JSL waxa ay mar kale Fadhigii 20-aad kaga doodeen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: 1) Maamul-daadejin Siyaasadeed; 2) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo 3) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed.
Dooddii Golaha Wasiirradu waxa ay dhammaantood hoosta ka xarriiqeen in Maamul-daadejintu ay awoodaynayso goโ€™aan-qaadashada heer deegaan, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta bixinta adeegyada bulshada ku habboon.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa doodii Golaha Wasiirrada fadhiyadii 19-aad iyo 20-aad, waxa uu Golaha faray in arrinta Maamul-daadejinta loo baahan yahay in loo saaro Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo khubaro aqoon u leh mawduucan, iyadoo lagu salaynayo tilmaamaha Dastuurka Qaranka.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us onย Twitter@Araweelonews

Follow us onย /instagram@araweelonews

Follow us on TikTokย /ย Tiktok.com/@araweelonews

Follow us onย /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channelย https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos:ย https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channelย AraweeloTvย To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ย