Araweelo News  Network

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Macamed Cabdi Raagge

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inay wadaan cilmi-baadhis la doonayo in lagu ogaado qaabka ugu habboon ee cashuur looga qaadi karo shirkadaha xawaaladaha lacagta ee ka hawlaga dalka Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda oo hortegay fadhigii Golaha Wakiillada ee , isla markaana ay xildhibaanno su’aallo badan ka weydiiyeen odoroska miisaaniyad-sannadeedka Somaliland oo loo gudbiyey golaha maalintii Sabtida, waxa uu sheegay in sidoo kale gacanta lagu hayo qaab cusub oo loo sar-gooyo qiimaha sarifka lacagta ee dawladda (money exchange rate).

Haddaba, su’aalaha ay mudanayaasha Wakiilladu weydiiyeen iyo jawaabaha Wasiirka Maaliyaddu ka bixiyey oo faahfaahsan waxay u dhaceen sidan;

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki: Kharashka lama filaanka ah ee maaliyadda, kharashaadka gaarka ah, kharashka hawsha shaqo iyo dhiirigelintu waxa ay ka badan yihiin dhammaanba arrimaha horumarinta ee aad ugu talogasheen Wasaaradaha Beeraha iyo Biyaha oo dalka hawlbawle weyn u ah. Markaa miyaanay ahayn in halkaas dib loogu noqdo oo aad hoos loogu eego?

Wasiirka Maaliyadda: Mudane, waxa aad la socotaa in dalku uu yahay mid curdin ah, lana aqoonsanayn, markaa waxa uu dalkani galaa kharashaad fara badan oo doollar ah, kharashaadkaas badan ee uu galo waxa ka mid ah safaaradaha dibadda, safarada dibadda iyo wax-soo-iibsiga waxaas oo dhan waxa ay ku baxaan doollar. Waxa aad la socotaa oo kale cashuuraha dalkeennu ku tiirsan yahay waa cashuuraha innaga soo gala furdooyinka (kastamada), kuwaas oo dakhligeena guud ee qaranka ka ah 82%, dhammaantoodna waxa lagu ururiyaa lacagta dalka Somaliland ee shillinka, halka inta ka soo hadhay oo inta badan ah cashuuraha bariga iyadana lagu ururiyo shillinka Somaliland. Markaa lacagta halkan ku qoran waa lacagta liisamada oo Wasaaradaha Ganasiga iyo Maaliyaddu waxa ay sameeyeen cilmi-baadhis muddadii saddexda bilood ahayd ee ay dawladdu jirtay, waxaanna ka soo baxay nuxurka ah in la kordhiyo cashuurta ruqsadaha ganacsiga.

Wasaaradda Maaliyadda waxa guud ahaan hoos yimaad lacago ay iyadu maamusho, laakiin aanay lahayn, waxaanna ka mid ah lacagaha miisaaniyadda ugu jira xisbiyada qaranka, maamuuska Madaxweyneyaasha, daabacaadaha lacagaha, kabka miisaaniyadda, khidmadda bangiga, shaqaalaha maaliyadduna waa 1700 (kun iyo toddoba boqol) oo qof, deeqaha Baanka Adduunka, mashruuca shaqo qaran, mashaariicda loo fulinayo dhallinyarada oo dhan, markaa kuma jirto lacag dhiirigelin ah oo magac ahaan ayuun bay u qoran tahay.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye: Shaqaale ayaa joogay Hay’adaha laga saaray miisaaniyadda ee ay ka mid yihiin; Hay’adda Miino-saarka, Hay’adda Dib-u-habaynta Shuruucda, waxayna ahaayeen shaqaale dawladeed oo mushahar qaadanayey, markaa xagee ayey ku dambeeyeen shaqaalahaasi mushaharkooda iyo shaqadoodiiba?

Wasiirka Maaliyadda: Sida ku cad xeer-nidaamiyihii uu Madaxweynuhu soo saaray, waxa Guddidii Dib-u-habaynta Shuruucda la hoos geeyey Wasaaradda Caddaaladda, markaa halkaas ayey shaqaalihiina joogaan, hay’ad walbana wasaaradda la hoos geeyey ayey la socotaa.

Xildhibaan Obsiiey: Marka la eego lacagta badan ee ku korodhay Miisaaniyadda sannadkan 2018, waxa haddana la isweydiin karaa marka la eego mushaharka u kordhay shaqaalaha joogtada ah ee dawladda, korodhkaas oo ah saddex boqol, siddeed iyo konton milyan, afar boqol iyo shan iyo afartan kun (358,445,000 SLSH), halka ay lacagta loogu talogalay gunno-guri iyo gunno-xil-na ay noqotay sagaal boqol iyo afar milyan, siddeed boqol iyo afartan kun (904,840,000 SLSH), maxaa lagu fasiri karaa arrintaas, sababtoo ah lacagta u korodhay shaqaalaha joogtada ah waxa ay saddex-laab ka yartahay lacagta u korodhay gunno-guri iyo gunno xil?

Wasiirka Maaliyadda: Waxa aad la socotaan in sannadkii hore ee 2017, wareegto uu Madaxweynuhu soo saaray, shaqaale badan oo la qaatay ayaan lagu darin nidaanka rasmiga ah ee mushahar-bixinta (payroll), laakiin sannadkan 2018 ayey noqdeen shaqaale joogto ah, taas ayaana keentay korodhka.

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Gaagaale: Sida la ogyahay xawaaladuhu waxay hadda socdaan muddo 20 sanno ah, (welina cashuur lagama qaado), sannad kastana waxa la yidhaahdaa qorshe ayaan la maagannahay. Ma qalabkii aad ku xisaabin lahaydeen ayaan jirin? Mise ragga waaweyn ee leh shirkadaha xawaaladaha ayaa lagu dhici waayey?

Wasiirka Maaliyadda: Lacagaha dadka qurbo-joogga ah ee u dhashay dalkan Somaliland ay u soo diraan dadkooda ku nool dalka gudihiisa oo ay nolol-maalmeedkooda ku fushadaan, maadaama oo dadka inta badan ay shaqo la’aan hayso, markaa lacagtaas xawaaladaha dalalka qaarkood cashuur ayey ka qaadaan, qaarna ma qaadaan, sidaa darteed sannadkan 2018, waxa aannu bilaabaynaa in go’aannada arrimaha khuseeya dhaqaalaha ay ku salaysnaadaan aqoon iyo cilmi-baadhis sax ah oo sugan, markaa dood iyo falanqayn kadib sannadkan waxa aannu isla qaadanay in aan samayno cilmi-baadhis dhammaystiran, sidoo kalena aannu ka wada shaqayno guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada sidii ay arrintaasi suurtogal u tahay iyo sida go’aan looga qaadanayo (cashuurta laga qaadayo xawaaladaha).

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Gaagaale: Berigii dhawayd ee aad u safarteen dhinaca Carabta, waxa nagu maqaalo ah oo na soo gaadhay in halkaas lacag laga soo qaatay, lacagtaasi haddii ay jirto maxaa loogu soo dari waayey miisaaniyadda?

Wasiirka Maaliyadda: Horta ma jirto lacag cid laga soo qaaday, shirkadda DP WOLRD Berbera waxa aannu ku wada shaqaynaa nidaam oo heshiis ayaanu wadagalnay, markaa heshiiskaas ayuun baannu ku wada shaqaynaa, laakiin lacag caddaan ah (kaash ah) ii cid iska keen siisay ma jirto, mana ogi.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Xaaji Cilmi (Dable): Miisaaniyaddan kuma jiraan dakhliga ka soo baxay sannadkii ay shirkadda DP WOLRD maamulaysay dekedda Berbera? Waxa kaloo aynu iibinay 5% ka mid ah saamigii aynu ku lahayn dekedda Berbera oo ahaa 35%, taasina kuma qorna miisaaniyadda, kumana cadda?

Wasiirka Maaliyadda: Dekedda Berbera, qaybta Somaliland waxa la yidhaah Hay’adda Maamulka Dekeddaha, waxayna ku jirtaa miisaaniyadda hay’adaha madaxbannaan ee dawladda, waana 25 bilyan oo Somaliland shillin ah. Ta kale hay’adda la yidhaah DP WORLD Berbera waxay Somaliland ku leedahay saami (share), markii hore wuxuu ahaa 35%, imminkana waa 30%, markaa saddex lacagood oo kala duwan ayeynu ka helnaa dekedda oo mid waxa la yidhaah Corporate tax (cashuurta dawladdu soo rogtay) oo waa 10%, bil kastana way soo xerootaa, midna waxa la yidhaah fixed fee (cashuurta khidmada kirada aan isbeddelin) oo cashuurta kirada, waana wax cayiman oo ah $5 milyan oo doollar, ta kalena waxa la yidhaah marine service ama marine fees (cashuurta adeegaha badda) oo waa 20%, cashuurtana way ku jirtaa miisaaniyadda. Waxa kaloo jira in 10% oo ka mid ah saamigeena aynu ku lahayn dekedda ee ahaa 35%, ay dayn innagu ahaayeen, markaa 5% aynu bixinay waxa ay ka go’aysaa daynta la innagu lahaa.

Xildhibaan Dable: Weli lama arag dhul la bixiyey oo madaar ah oo haddana aan ummadda loogu soo darin miisaaniyadda. Ma haddiyad ayeynu u bixinay madaarka Berbera?

Wasiirka Maaliyadda: Heshiiskii madaarka (saldhigga millatari ee Imaaraadku ka samaysanayo Berbera), idinka (Golaha Wakiillada) ayaa ansixiyey heshiiskiisa, golayaasha sharciga ayuuna ka soo baxay, waxa ka soo baxana waa in la dhegaysto, sida heshiiska maadaarku qorayeyna inta badan lacagtiisa waxa lagu beddeshay mashaariic horumarineed oo Imaaraadka Carabtu ka sameeyo Somaliland, waxaanna mashaariicdaas ka mid ahaa in la dhiso madaar cusub, lagana qaybqaato horumarinta adeegyada biyaha iyo laydhka ee Gobolka Saaxil, sidoo kalena laga qaybqaato dhismaha waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor).
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan: Qiimaha sarifka doollarka (exchange rate) oo ah marka loo beddelayo Somaliland shillin, waxa ay dawladdii hore ($100) ku beddeli jirtay lix boqol oo kun (600,000 SLSH), suuqa kalena waxa sarifka $100-ka doollar uu ahaa toddoba boqol oo kun (700,000 SLSH), wayna isku yara dhawaayeen, haddaba maanta adinku haddii aad tihiin dawladda cusub, imisa ayaad ku beddeshaan lacagta doollarka ah?

Wasiirka Maaliyadda: Qiimaha sarifka lacagtu (exchange rate) ma fadhiyo oo wuu baaxaa-degayaa, qiimaha dawladdu ku sarifto lacagtuna waa qiimaha sannadkii hore oo lama beddelin oo halkii doollaar waa lix kun (6000 SLSH ah), laakiin wadahadal ayaa socda la xidhiidha sidii loo samayn lahaa qiimo cusub (new exchange rate) oo waxa gacanta ku haya qolooyin khabiirro caalami ah, Baanka Dhexe iyo Maaliyadda, Guddida Dhaqaalaha iyo Guddida siyaasadda ayaana hawshaas gacanta ku haya, kana wada shaqaynaya.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas: Wasiir, miisaaniyaddan 2018 wax mashaariic horumarineed ah uguma jiraan degaannada bariga Sanaag, mana aragno lacagtan 2%-ka ah ee cashuurta loo saaray horumarinta gobollada bariga Somaliland, bal arrintaas nooga warran?

Wasiirka Maaliyadda: Imminka mashaariicda horumarinta waxa laga soo bilaabaa degaannada bariga Somaliland, halii markii hore laga soo bilaabi jiray degaannada galbeedka oo ay ku jiraan degaannada Bariga Sanaag. Sida oo kale lacagtaas 2%-ka ah ee aad ka hadashayna si fiican oo nidaamsan looga qoondeeyo, meel kasta oo la tegayana waxa uga qoondaysan ee ugu horeeyaa waa amniga, ogolaanshaha dadka iyo is-fahamka degaanka, marka intaas la gaadho ayaa mashaariicdii horumarineedna laga fulinayaa, laakiin mashaariicda horumarku maaha inay mararka qaar horseedo mushkilad, dagaal iyo khilaaf, mashaariicda horumarkuna waa in ay ku dhisnaato aragtida ah in aanay wax dhaawacin ee ay faa’iido dhasho, mana ah inay wax dhaawacdo ama wax disho, sidaa darteed, kolayba mashaariicda horumarinta iyo maamul-fidintana waa ka qayb.

Xildhibaanad Baar Siciid: Wasiir, waxa jira lacag lagu magacaabo 2% oo laga gooyo dadka reer Somaliland ee cashuur-bixiyeyaasha ah, sida ganacsatada ama cid kasta oo dhaqaalaah la xidhiidha, lacagtaasina ma gaadho meeshii loogu talogalay oo kolay ilaa 8-dii sanno ee u dambeeyey may gaadhin, marka laga reebo waxyar oo faro-ku-tiris ah? Ma laga yaabaa in adiga iyo xukuumadda cusub ay isbeddel keenaan oo lacagtaasi gaadho ummaddii loogu talogalay?
Wasiirka Maaliyadda: Lacagta 2% ee cashuuraha u saaran horumarinta gobollada bariga, waxa aan rajaynaynaa inay halkii loogu talogalay ku baxdo, Insha Allaah, annaguna waannu ku dedaalaynaa, haddii Alle idmo.

Xildhibaanad Baar Siciid: Waxa aad sheegtay in shaqo-abuur loo samaynayo dhallinyarada reer Somaliland, annaguna waxa aannu u haysanaa in shaqada ay marka hore qaybsadaan xubnaha Golaha Wasiirradu, oo marka ay saami ku qaybsadaan ay kadibna inta imtixaan la yeedho in loogu talogalay la soo reebo, arrintaas maxaad ka qaban doontaan?

Wasiirka Maaliyadda: Shaqo-abuurka marka laga hadlayo, sida ay barnaamijka dib-u-habaynta ee ay wado Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxa sugan, kana go’an dawladdan in si siman ay dadka looga qaado imtixaan oo aan imtixaanka laga qaadin Hargeysa oo keliya, laakiin in gobollada dalka la gaadhsiiyo oo lixda caasimadood ee dalka ugu waaweyn laga wada qaado imtixaanka, haddii degmooyinka iyo tuulooyinka la wada gaadhsiin waayey, kadibna la qaato inta ugu saraysa ee shaqo-doonka ah, hawshaas bar-bilawgeediina waannu bilawnay, waanan dhammaystiri doonaa haddii insha Allaah.