Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, ayaa lagu qabtay maanta magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka (SOLNAC)-Cabdishakuur Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee hay’addaas, Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo marti-sharaf kale

Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka (SOLNAC)-Cabdishakuur Prof. Ismaaciil Muumin Aar, wrbixin uu ka jeediyay halkaa ayaa sheegay in sannadkan 2020 la baadhay dad ku dhaw 2,500 (laba kun iyo shanboqol) oo qof islamarkaana laga helay 119-qof, taas oo wadarta guud ee Bulshada ka noqonaysa 5%, waxaana uu xusay in guud ahaanba dadka xanuunka la nool gudaha Somaliland lagu qiyaaso 5,500 oo qof kuwaasi oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka (SOLNAC)-Cabdishakuur Prof. Ismaaciil Muumin Aar, ayaa sheegay in sannadkan uu takoorku kor u dhacay 63%, sidoo kalena ay guddida komishanku tageen iskuulo Ardayda waalidkood la nool yahay xannuunka laga soo eryay oo ay soo xaliyeen.

Agaasime Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaranka AIDS-ka (SOLNAC)-Cabdishakuur wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si aan dadka xanuunkaasi la nool aanay u dareemin takoor, taas ah dhibaato u baahan in laga hawlgalo, isla markaana aan ku haboonayn dhaqanka bulshada ee Islaamka ah iyo  bini’aadanimada midna, isagoo si cad u sheegay inay sii wadaayaan dedaalkooda lagaga hortegeyo ficilada noocaas ah ee xun.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la nool Xannuunka AIDs-ka aan la takoorin islamarkaana kor loo qaado wacyiga Bulshada si loogu baraarujiyo inaan xannuunkan lagu kala qaadi karin Salaanta wax dhigashada iyo inta la hal maasha balse uu yahay xannuun jidhka ku dhex jira oo laysugu gudbin karo dheecaan oo keliya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in marwalba la laban laabo Xakamaynta Xannuunkaasi HIV/AIDS, si bulshadu u noqoto mid caafimaad qabta, waxaana uu Komishanka iyo Hay’addaha la shaqeeya ku dardaaray inay sii wadaan hawsha ay Qaranka u xilsaaran yihiin.

Munaasibadda, waxa sidoo kale ka hadlay shaqsiyaad la nool caabuqa HIV/AIDS, kuwaas oo soo bandhigay saamaynta ay bulshada kala kulmaan.

Hooyo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, ayaa munaasibadda ka sheegtay inay faquuq xad-dhaaf ah la kulmaan, isla markaana ay dhibaatooyin kasoo gaadhaan bulshada, iyadoo xustay inay taasi geyaysiisay ilaa heer ubadkeeda loo oggolaan waayo inay waxbarashadda tagaan, dugsiyo badanna looga eryay keliya maadaama oo hooyadood la nooshahay caabuqa HIV/AIDS.

Munaasibada

 

Munaasibada maalinta Caalamiga ah ee Xuska xannuunka HIV/AIDS, ayaa sannadkan ka duwanayd xuskii sannadkii hore, iyadoo lagu soo bandhigay warbixino naxdin baddan oo ka hadlaya dhibaatooyinka ay bulshadda kala kulmaan dadka la nool xannuunka, kuwaas oo ay takooreen iyaga iyo ubadkoodaba Bulshaddu.

AKHRI: Somaliland: Munaasibadda Xuska Maalinta Xannuunka AIDS Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Laga Baadhay

Xannuunka HIV/AIDS, ayaa ah mid aduunku si caalami ah ula dagaalamo, iyadoo aan ilaa hadda la hayn tallaal lagaga hortago, balse bulshada Somaliland, ayaa feker khaldan ka  aaminsan xannuunkaa, taas oo keentay in ay dadka la nool la kulmaan dhibaatooyin lagu takoorayo bulshada dhexdeeda.