Araweelo News Network

ninka-tuugada-ka-toobad-keenayHargeysa(ANN)Khadar Cabdilaahi, waa Aabbe 34 jir ah oo dhalay Hal qof ubada. waxaanu noloshiisa intii u badnayd ku soo qaatay xaalada qalafsan oo uu dadka dhibaato ugu geysan jiray. Waxa uu kamid ahaa Dhalinyarada dadka dhaca ee Tuugta ah, wuxuuse hadda sheegay inuu ka toobad keenay arrintaasi, kaddib markii sida uu tilmaamay alleh garansiiyey in uu bedelo nolosha Budhcadnimada oo uu xoogiisa ku shaqeysto.
Khadar oo sida uu sheegay falalka Budhcadnimada ku shaqaysanayey muddo 22 sannadooda, kana dhaxlay dhibaatooyin badan oo saameeyey qoyskooda iyo Qofnimadiisa, ayaa ka waramay nolosha tuugnimada, dhibaatooyinka naftiisa ka soo gaadhay, sidii uu ku bilaabay, heerka uu ka gaadhay iyo sababta ku keliftay inuu soo af-jaro.
Ninkan oo u waramay Tafaftiraha Gobanimonews Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo kula kulmay Magaalada Hargeysa, ayaa sawir mugle ka bixiyey habka ay u shaqeystaan tuugtu, isuguna xidhanyihiin Shebekaddaha dadka dhaca iyo kuwa ka macaasha waxyaabaha ay xaddaan, isagoo goobaha lagu iibiyo allaabooyinka la soo xaday ku tilmaamay Suuqyo Madow oo Hargeysa ku yaalla (Black Markets).
ninka-tuuga-ahWaraysiga Wariyuhu la yeeshay ninkan oo ka dhashay, kaddib markii uu u sheegay inuu ka toobad keenay falalkii budhcadnimo ee uu caaddeystay, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan sooyaalkii qalafsanaa ee ay la soo martay tuugganimadu iyo isbedelka uu ku samaynayo noloshiisa.
Khadar waxa uu sheegay inuu umadda Cafis waydiisanayo, isna uu cafiyayo cid kasta oo uu waxyeello ka tabanayo, intaas kaddibna loola dhaqmo sidii qof caadi ah, maadaama oo uu noqday qof muddo-dheer ay bulshadda intii taqaanay naftooda iyo maalkood uga baqayeen, jirrina wax arxanna ooka dhexeeyey dadka caadiga ah, sidoo kalena ehelkiisa iyo asxaabtiisuba ay noqdeem Kooxaha ay wada shaqeysan jireen ee Budhcada ah.
“howshan waxaan bilaabay 1994-kii, waxaan ka bilaabay Hargeysa, anigoo ahaa Carruura, dalka markaa waxaa ka socday dagaallo oo day-day qori sita ayaa jiray, annaguna day-day yar-yar oo Makiinad qaata oo dadka Jeebadaha iyo Boorsooyinka ka jeexa ayaanu noqonay, waxaana igu kelifay carruurnimo iyo caqligayga oo aan igu filnayn, waxaan idhi”- “intii aad hebel odhan lahayd ‘wax I sii, waxaa ka wanaagsan adigoo ka qaata isagoo hurda ama soo jeeda oo xaadir ah, markaa wuxuunbaa ila maray carruurnimo iyo waayo aragnimo la’aan, wakhtigaas laga soo bilaabo illaa sanadka 2016-ka ayaan ku dhex jiray oo ay ii ahayd marna aan dadka dhacayo iyo mar aan xabsi ku jiro” ayuu yidhi Khadar oo ugu horayn ka waramay markii uu bilaabay budhcad-magaaleednimada iyo sababta uu 22 sannadood kaddib uga toobad-keenayo.
“ waxaanna in wakhti xaadirkan aan ka baxo igu kalifay Cimrigaygii oo dheeraaday, caqligaygii oo kordhay, ayaa waxaan ogaaday inaan dhibaato badan Bulshada ku hayo, qofkii aan wixii dhacay uu naxayo, dabadeedna isoo habaarayo. Waxaan ogaaday in qofka aan hantidiisii ka xaday haddii uu I qabto uu iga Aarsanayo, ama xabsi igu ridayo. Xabsiga markaan ka soo baxo ee aan dadka soo dhex galona lay faquuqayo oo la odhanayo ‘waa kii’!, taasoo intii hore marka lay takooro aniguna aan halkii ka sii wadi jiray, illeen nin qoyani biyo iskama dhowree”.- “laakiinse iminka anigoo aaminsan inuu Alle SWT yahay dambi dhaafe, sidaas darteed inaan toobad keeno oo aan ka dhex baxo xumaanta oo dadkii aan ka daayo dhibka oo aan xooggayga u shaqeysto.”
Khadar, waxa uu sheegay in markii uu go’aankan qaatay, haddana uu Bulshadii ka dhex waayey Kalsooni iyo aaminaad, lana kulmo takoor iyo handiddaad badan, taasina ay ku keliftay inuu saxaafadda ka caddeeyo go’aankiisa, si uu uga badbaado faquuq iyo in loo aaneeyo falal xatooyo oo dambe “markii aan goo’aankan qaatay siddeed bilood ayaa ka soo wareegay hadda. Waxa dhacday anigoo iska daayey howshii tuugnimada, in halkaan is-taagaba bulshadii sas iga qaado, oo kaad shaqo waydiisataaba ku odhanaya Rubuc Jaad ah qaado, halkaana ka sii qadeeyoo iska tag, oo kii aan kuuli waydiistaaba sidaas igu yidhaahdo isagoo ka baqaaya inaan wax ka xaddo, hadda anigoo qalbigayga ay ku jirto inaan shaqeysto oo aan yoobkayga la la soo baxo oo daacad ah, ayaa haddana dadkii saskaa iga qaabaan”.
Khadar wuxuu dalbaday in la saamaxo oo ay dadka oo dhami saamaxaan, isna wuxuu sheegay inuu saamaxay qof kastoo waxyeello u geystay intii uu anshax-xumada iyo xatooyada ku jiray “go’aankan aan qaatay aniga iyo Illaahay ayaa is og, laakiin dadweynaha waxaab ka codsanayaa inay I saamaxaan wixii aan dhib u geystay oo dhami anigoon hebel iyo hebel u garanayn, alle ka sekow waxaan leeyahay I saamaxa.”
Isagoo go’aankiisa sii tahkiidinaya uu yidhi “dalka Bilyaskii u horeeyey waa la dhaariyey. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waa la dhaariyey, aniguna waan u dhaarayaa dadku hadday ku qanci waayaan inaan toobad keenay” ayuu yidhi, isagoo ku cel-celiyey inaan dib loo faquuqin ee laga caawiyo sidii uu nolosha caadiga ah ula qabsan lahaa, diyaarna uu u yahay inuu bulshada ka wacyi-geliyo dhaqan-xumada iyo falalka budhcad-nimada, isagoo si gaara farriin ugu diray asxaabtiisii ay isku mihnada ahaayeen ee wali iyagu sii wada dhaca xoolaha umadda (tuuggada boobka iyo xadista ah).
Waxaanu yidhi “Illaahay wuxuu yidhi qofkii doonaya inuu I arkoow, abuurtayda eeg, abuurtiisiina dee adiga ayaa is-eegaya, markaa waxaan leeyahay raggii aanu howshaa ku wada jirnayoow Illaaha aniga I waafajiyey inaan go’aankan qaataa idinkana ha idin waafajiyo. Mar labaadka waxaan leeyahay ninkii xidhanow maanta alle hakugu nabad-gelyo jeelka’e markaad soo baxdo toobad keen sidayda oo kale, iska dhiib Masaajidada, kaalay saxaafadda, haddaad wax kale garan waydo. Kuwa iminka magaalada ku jira-na waxaan leeyahay joojiya waxaad ku dhex jirtaan, bedela oo wax wanaagsan Illaahay waydiista”.
Khadar Cabdilaahi, isagoo sii wata farriinta uu u diray Kooxaha dadka dhaca ee ay wada shaqeysan jireen, waxa uu dawladda iyo Shacbiga ka codsaday in shaqo abuur loo sameeyo dadka tuugta ah ee Jeellasha ku soo barta Xirfadaha gacanta, si buu yidhi ay uga maar-maan falalka tuugganimo ee ay ku kacayaan oo uu ku doodday inay ku kelifto noloshu. “anigoo wacyi-gelinaya raggii aanu saaxiibada ahayn mid jeel ku jira iyo dibada joogaba, dawladda waxaan ugu baaqayaa in shaqo-abuur naloo sameeyo, oo iminaka jeelasha waxa lagu bartaa farsamada gacantee qofku markuu ka soo baxo aan suuqa lagu sii dayn ee la siiyo wuxuu ku shaqeysto ama meel uu ka shaqeeyo la geeyo”.
Waxa kale oo khaddar waraysiga uu bixiyey kaga sheekeeyey, noloshiisa tuugnimo intii xabsiga ku jiray, wakhtigii dheeraa xadhigiisa, dhibaatada uu umadda u geysanayey saameynta ay ku yeellatay qoyskooda iyo dhacii ugu weynaa ee geystay intii budhcada ahaa. “ 22-kii sannadood ee aan howshaas (Tuugganimada) ku jiray mudaddii aan xidhnaa markaan isu-wada geeyo 13 sannadood ayaan noloshayda xabsi ku qaatay. Xadhigii ugu dheeraa ee aan jeel ku xidhnaa wuxuu ahaa 3 sannadood. Hantidii ugu badnayd ee aan xadday waxay ahayd Lacag dhan sagaal kun oo dollar, shan iyo afartan kun oo Bir iyo allaabooyin kale oo shandad ku wada jiray ($9000 + 45000 Bir Ethiopian birr), waxaanan aniga iyo nin kale goor subax ah ka xadnay meherad ka mida sarifleyaasha waaweyn ee suuga Hargeysa ee dhulka fadhiista, meheradaas waxa lahaa laba Nin oo Suldaan iyo Awliyo la kala odhan jiray, falkaasi wuxuu sababay in la xidho Xaaskaygii, Hooyadii iyo Ninkii alaabta illa xaday, aniguna waan baxsaday, lacagtii aanu dhacnay waxaanu celinay markii dambe $4500 Dollar, wixii kalena way nagu baxday”ayuu yidhi Khadar.
Khadar waxa uu sheegay in qoyskiisa,siiba labadiisa waalid bulshada la qaybsanayeen dhibaato kasta oo uu kula kaco “waxyaabaha hadda igu sii kalifay inaan ka baxo waxa kamida, Hooyaday oo intii aan dhibaatada ku dhex jiray iyadu mar walba illeen waa qof wax dhalaye jeelka iigu imanaysay marka lay xidho, ka naxaysay marka ay maqasho waxbuu xaday, aakhirkiina qaaday xanuunno ( Dhiig-kar iyo Macaan) aanay lahaan jirin, anigoo waliba kelay wax rag ah ay i dhashay” ayuu yidhi.
Warka ka soo baxay Ninkani waa mid farxad leh marka laga eego dhinaca wanaagsan, waxaana haddii farriintiisu hesho jawaab naxariis leh, isna uu alle waafajiyo toobada uu sheegay uu albaab cusub u furayaa dad badan oo ku dhiiran waayey inay mar uun ka dhex baxaan falalka axmaqnimada ah ee ay Bulshada ku hayaan. Waayo khadar waxa uu ku sifeeyey Ninkan tuugga ah dhibane, dhaawac geystay “dhagar ayuunbaanan geysane dhib kastaa way na soo martay, mid la ii geystay iyo mid aan anigu dad geystay. Ninka Tuuga ahina wuxuu xaddo raaxo kuma cunno ee wel-wel iyo cabsi ayuu ku dhamaystaa”.ayuu yidhi Khadar.
Qaybo kale oo ku saabsan xogta Waraysigan filasho wacan… la soco
Heerka falalka Tuuggada iyo Somaliland
booliska
BOOLISKA OO FULINAYA HOWL-GALO/HARGEYSA/SAWIR HORE
Tuuggada ayaa kamida falalka ugu badan ee ka dhaca magaallooyinka waaweyn ee Somaliland. Kooxaha caadaystay ayaa marba xeelad wax u dhaca. ka sekow hantida ay dayac kula kulmaan, waxa jira allaabooyin ay inta badan si gaar ah u bartilmaameedsadaan. Mobile-da iyo Computer-da gacanta lagu qaato ayaa kamid ah alaabooyinka ay faraha baas ku hayaan Tuugtu, kuwaaasoo ay mararka qaar kala dhex baxaan Baabuurta yar ee lagu tamashleeyo oo ay barteen farsamooyin lagu furo marka ay qufulanyihiin.
Inta badan Saraakiisha Booliska iyo Tuugtu waxay isku yihiin cadow, hase ahaatee waxa dhici karta inay xubno kamida Boolisku la shuraakoobaan kooxaha Budhcada oo ay la qaybsadaan Hantida ay soo dhacaan.
Waxyaabaha ugu badan ee loo aanneeyo kor-u-kaca Tuuggaada waxa kamid ah Shaqo la’aanta Dhalinyarada, korodhka wadarreed ee Bulshada, saameynta dhaqaale iyo dhaqan ee ay Balwadaha Jaadku ka mid yahay yeesheen iyo baahiyaha aasaasigaa oo iyaguna sii kordhaya.sida ay aaminsanyihiin khubarada dhaqaalaha iyo kuwa arrimaha Bulshada u dhuun-daloolaa.
“Hargeysa waxa ka dilaacay Dhalinyaro dadka Baska kala degaya oo baadhaya” sidaas waxa Gobanimo u sheegay todobaadkii hore Maxamed-khadar Xasan oo muddo dheer ka shaqeynayey Ururrada Bulshada rayidka ah. Aamin ayaa sheegay “waxaan jirin shaqo-abuur iyo jiheyn Dawladdeed oo wax lagaga qabanayo amni-darada iyo baahiyaha kordhaya” ayuu raaciyey isagoo dawladda canaan u jeedinaya.
Magaalada Burco, waxa iyadana dhawaan ka dilaacay Kooxo dhalinyaro ah oo dadka waddooyinka lacag kaga qaada, kuwasoo iyagu la soo baxay budhcadnimo badheedh ah. Booliska Magaaladaas ayaa howl-gallo ay fuliyeen dabayaaqadii Bishii September ku qabqabtay Dhalinyaro badan oo kamida kooxaas, wallow ay wali jirto cabsida ka dhalatay budhcadnimada noocaas ahi.
Dhamaan arrimahan oo dhami waxay hal-xidhaale ku yihiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye oo ay masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta nabad-gelyada iyo Hantida umadda iyo hir-gelinta siyaasad lagu yaraynayo duruufaha udub-dhexaadka u ah Baahiyaha Bulsho ee is-biirsaday.
Gobanimonews