Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Somaliland, ayaa lagu soo dhoweeyay Culimo si weyn dunida caan uga ah, isla markaana ka mid ah Culimada Islaamka ee ku takhasusay Qurraanka Kariimka iyo Culuunta Islaamka.

Soo dhowaynta Somaliland ee labada Sheikh Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese iyo Sheik Hassan Saleh (Sheik-Qari) Hargeysa Egal International Airport, Sep 3, 2020, Araweelo News Network.

Labada Sheikh oo kala ah Sheik Hassan Saleh oo loo yaqaan (Sheik-Qari) oo asalkiisu u dhashay dalka Masar, isla markaana haysta dhalasho Maraykan ah, ayaa sidoo kale Iimaam ka ah North Hudson New Jersey, wuxuuna ku jiraa culimada sida weyn looga danbeeyo qiraa’ada qurraanka Kariimka ah.

Soo dhowaynta Somaliland ee labada Sheikh Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese iyo Sheik Hassan Saleh (Sheik-Qari) Hargeysa Egal International Airport, Sep 3, 2020, Araweelo News Network.

Sheikh Hassan Saleh, waxa ku weheliyay booqashada uu ku yimi Somaliland Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese oo isaguna ka mid ah culimada caanka ah ee Islaamka oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar, balse xilligan degan dalka Maraykanka, isagoo ka mid ah Guddida Kulliyadda Daraasaadka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda American Open University ee cariga Maraykanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheikh Aadan Cabdullaahi Cabdala oo ay weheliyaan labada Sheikh Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese iyo Sheik Hassan Saleh (Sheik-Qari) Hargeysa Egal International Airport, Sep 3, 2020, Araweelo News Network.

labada Sheikh iyo culmida la socotay oo maanta kasoo degeen garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Hargeysa ee (Egal International Airport), iyadoo ay halkaa kusoo dhoweeyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheikh Aadan Cabdullaahi Cabdala oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Culimo iyo Arday Somaliland ah.

Soo dhowaynta Somaliland ee labada Sheikh Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese iyo Sheik Hassan Saleh (Sheik-Qari) Hargeysa Egal International Airport, Sep 3, 2020, Araweelo News Network.

Xamse Cumar (Xamse Cumar-ku-joog) oo ka mid ah dhalinyarada culmida kusoo dhowaysay Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in labada Sheikh ay ka yimaadeen xilligan dalka Maraykanka, isla markaana ay dalka Somaliland joogi doonnaan muddo tobban maalmood ah, isagoo xusay in habeenada ay joogaan Somaliland ay qabanayaan tartamo qurraanka keliya la akhriyayo.

 

Sidoo kale, Dr. Cabdiqani, ayaa sheegay  inay si weyn ugu farxeen imaatinka culumadan ee Somaliland, isagoo xusay in ay qabanayaan tartamo qurraanka Kariimka ah iyo tababro la xidhiidha Qurraanka Kariimka ah oo qiraa’ada ah, wuxuuna ku tilmaamay booqashada culimadan in ay ka faa’idaysanayaan dhalinyaro baddan oo Somaliland ah.

Soo dhowaynta Somaliland ee labada Sheikh Dr. Sheikh Waleed Idiris Al Maneese iyo Sheik Hassan Saleh (Sheik-Qari) Hargeysa Egal International Airport, Sep 3, 2020, Araweelo News Network.

Labada Sheikh ee lasoo dhoweeyay, ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna iyagoo muujinaya dareenka shucuurta farxada lagu qaabilay mid aannay ilaabayn, isla markaana waxay ku tilmaameen Somaliland meel barakaysan oo ay ka muuqdaan shacaa’irka diinta Islaamka oo la camiray, iyagoo Allah uga baryay in ay Somaliland noqoto meel dikriga Allah iyo shacaa’irka Islaamka laga ooggo sida ay ku arkeen booqashada markii u horraysay ee ay safar ku yimadaan.

Geba-gebadii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheikh Aadan Cabdullaahi Cabdala, ayaa ujeedada booqashada Culimadan ku tilmaamay mid sumcad iyo sharaf weyn u ah Somaliland, wuxuuna sheegay in ay garsoorayaan tartanka Qurraanka oo lagu tartamayo Tobbanka Qirraa’a, isla markaana ay wuxuu xusay in ay Somaliland noqonay dalkii labaad ee tartankan lagu qabto.

“Waxay noo tahay sharaf weyn in ay maanta Somaliland yimaadaan culimada waaweyn ee dunida Islaamka oo aynu halkan ku qabano tartanka tobbanka qirraa’ada Qurraanka Kariimka ah, wasaarad ahaan waxa kale oo aannu ku faraxsanahay in Somaliland noqoto dalkii labaad ee tartankaa lagu qabto, iyadoo ay maanta inoo yimaadeen culimadaa caanka ah oo tartankaa ka noqonaya garsoor.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.