Araweelo News Network

Italy – Deputy FM with Ambassador CardiNew York(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaddiyadda aqoonsi-raadinteeda u gudbisay dalka Ruushka iyo dalal xubno ka ah Qarammada Midoobay oo xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ku qoran luqadda Ingiriisiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada New York si uu qaddiyadda aqoonsiga Somaliland u gaadhsiiyo dalalka caalamka, gaar ahaan waddamada xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.
“Waxa Wasiir-ku-xigeenku la kulmay dalal badan oo xubno ka ah Qarammada Midoobay iyo hay’adaha UN-ka, waxaannu u sharaxay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waddan madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii, balse ay mar kale dib ugala soo noqotay xornimadeeda ay kula midawday Soomaaliya muddo hadda laga joogo 25 sanno, kadib dagaal qadhaadh oo khasaare badan sababay. Waxa muddadaas Somaliland dhisatay nabadgelyo iyo dawladnimo ku dhisan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaannu la kulmay diblomaasiyiinta wakiillada u ah dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Ruushka, Faransiiska, Jabuuti, Turkiga iyo sidoo kale waaxda arrimaha siyaasadda ee Qarammada Midoobay.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
Waxa kaloo Wasiir-ku-xigeenku magaalada Washington kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka (US State Department), saraakiil ka socday Hay’adda USAID iyo haweenay la yidhaah Karen Bass oo xisbiga Jamhuuriga ugu jirta Barlamaanka Maraykanka.
“Somaliland oo loo aqoonsado dal madaxbannaan, maaha mid faa’iido u ah Somaliland oo qudha, balse waxa uu faa’iido u yahay guud ahaan bulshada caalamka, waxayna u ogolaan doontaa Somaliland inay door xoogan ku yeelato dagaalka lagula jiro argagixisada, budhcad-badeedka iyo xakamaynta falalka tahriibka ah, iyadoo sidoo kale aqoonsigu gacan ka gaysan karo horumarka dhaqaalaha Somaliland, maadaama fursad loo heli doono in la xoojiyo maalgashiga shisheeye ee Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Khaarajigu.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka nuqul ka mid ah soo gaadhay Jamhuuriya habeenkii Axadda, dawladda Somaliland, ayaa ka codsatay dalal caalamka ah inay ka qaybqaataan fududaynta wadahadalka ay la leeyihiin Soomaaliya, kaasoo ka bilaabmay shirkii lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska sannadkii 2012, iyadoo qorshaha wada-xaajoodkuna yahay sidii la isula meel dhigi lahaa sida uu nodon doono xidhiidhka mustaqbalka ee Somaliland iyo Soomaaliya.
“Waxa Wasiir-ku-xigeenku muujiyey sida dalkiisa Somaliland uga mahadnaqayo taageerada dhinaca horumarka ee beesha caalamku siiso, waxaannu weydiistay Qarammada Midoobay in laga shaqeeyo sidii caawimooyin dheeraad ah loogu heli lahaa saamaynta xun ee abaaruhu ku yeesheen sayladaha xoolaha nool ee Somaliland, isla markaana galaaftay nafta dad xoolo-dhaqato ah.
Duudsiga (diidmada) lagu hortaagan yahay xaqa dadkayagu u leeyihiin aayo-ka-tashigooda muddada rubuc qarniga ah waxay muujinaysaa inay tahay caddaalad-darro qoto-dheer, waxaanan ugu baaqaya beesha caalamka in iyagoo eegaya dantooda ay aqoonsadaan in Somaliland noqoto dal madaxbannaan, waxayna taasi horseedi doontaa faa’iido waarta oo khuseeya nabadda iyo ammaanka Gobolka Geeska Afrika,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland oo safar ku tegay dalka Maraykanka.