Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Saraakiisha labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo xukuumaddu xabsiga u taxaabtay 9 Jun 2022, toddobadkii hore, ayaa weli ku jira xasbiga Mandheera, iyadoo aan la horgeyn maxkamada, mucaaradka ayaa ku qay;inaya weli in xoriyadoda loo soo celiyo saraakiisha xabsiga loo taxaabay oo loo diiday qareeno doonayay in ay u dacwoodaan.

Xubnaha mucaaradka ee xidhan oo gaadhaya 15 sarkaal oo qaarkood xilal ilaa heer wasiir kasoo noqdeen dalka sida Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), oo xilligan ah guddoomiye ku xigeenka Xisbiga iyo xubno kale, waxayna ku jiraan xabsiga Mandheera oo inta baddan lagu xidho dadka xukunka ciqaabta ah uu ku dhaco.

Qaar ka mid ah ehelada saraakiisha oo watbaahinta la hadlay ayaa hore u sheegay in gebi ahaanba loo diiday saraakiisha xidhan ee axsaabata mucaaradka in ay booqdaan eheladooda iyo asxaabtoodu, iyagoo sidoo kale sheegay in loo didiay dawooyin ay qaarkood qaataan.

Hase yeeshee waxa soo baxday in Xukuumadda Somaliland oo Warqadii ogolaashaha u Diiday Qareenadii doonayay in difaacaan siyaasiyiinta Mucaaridka ee ay Jeelka Madheera xukuumaddu u dhaadhicisay Jimcihii lasoo dhaafay.

Ehelada saraakiisha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gebi ahaanba Warqadii ogolaashaha loo diiday Qareenaddii u doodilahaa Masuuliyiintii Xisbiyadda Mucaaridka.

Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hada caddayn sababta keentay in loo diido saraakiisha xidhan warqada ay qareenadoodu dalbanayaan, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in xukuumaddu doonayso in saraakiisha u xidhan ee labada xisbi mucaarad maxkamad loogu geeyo Mandheera kaddibna halkaa lagu xukumo, wallow aannay dhinacooda jirin qareeno u doodaya, maadaama loo didiay qaraanadii doonayay in ay ka difaacaan eeddaha haddiiba ay dhacdo in maxkamad furan la soo taago.

Warka shegaya incdalabka Warqada ogolaasha qareenadooda loo diiday, ayaa soo baxay, iyadoo Khamiistii Todobaadkii hore loo diiday inay Jeelka Madheera Ku Booqdaan Xildhibaano Gollayaasha Guurtidda ‘iyo Wakiillada ee Baarlamaanka Somaliland iyo Deegaanka ka tirsani, kuwaas oo doonayay in ay ku booqdaan ka hor intii aan laga qaadin sarakiisha labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, Saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Sidoo kale, intii aan saraakiisha loo wareejin Jeelka Madheera oo ay hada ku xidhan yihiin, waxa loo diiday Eheladii iyo Qoysaskooda doonayay n ay booqdaan, ama adeegyo u geeyaan, waxa ay sidoo kale ehelada qoysaskoodu warbaahinta u sheegeen Isniintii in ay waayeen meel ay u maraan si ay ugu booqdaan Jeelka Madheera, isla markaana waxay qaarkood sheegeen in dawooyin Siyaasiyiinta Xidhan ay Eheladoodu u siday loo diiday inay u geeyaan, waxyna arrintaa ku tilmaameen mid aan qaanuunka dalka iyo diinta Islaamka meelna kasoo gelin in qof muwaadin ah oo maxbuus ah loo diido qoyskiisa, ehelkiisa iyo in loo diido dawooyinka uu u baahanyahay. sidaa awgeed waxay xukuumadda ugu baaqeen in ay ka fuursato saamaynta ay arrintaasu yeelanayso iyo sucad-xumada ay usoo jidiay qaranka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com