Ceergaabo(ANN)-Xiisad ayaa ka aloosan magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxayna Boqolaal dadweynaha Magaalada Ceergaabo isugu soo baxay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Arbacadii maanta.

Dadweynaha ayaa sheegay in ay ka cadhaysan yihiin dilka loo geystay Allah haw naxariistee Marxuum Jaamac Xuseen Maxamed oo ahaa Maayarka Ceeryaan oo Salaasadii shalay si fool-xun loogu dilay halkaa, maxuumka oo Adeerkii Oday Jaamac Maxamed Ismaaciil (Jaamac Yare) ahaa Odaygii labada wiil ee uu dhalay iyo wiilka uu adeerka u ahaa oo dablay xubaysani ku dishay Ceeryaan dhaafsaday nabada Somaliland xilligii ay sicotay collaaddii xumayd ee deegaanka Ceelafweyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilka loo geystay Marxuumka uu amarkiisa lahaa Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse(Axmed Isdeber), isagoo ku amray in ilaaladiisu toogtaan Marxuumka oo xilligaa ku sugnaa magaalada, iyagoo sheegay in aannay jirin sabab cad oo ku ajburtay inuu amarkaa bixiyo.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Badhasaabka oo aannay Odayaasha deegaanku la socon sababta uu halkaa u tegey, isla markaana aannay ka jirin wax dhibaato ah uu ka leexday wfdigii uu la socday si loo fuliyo dilka Marxuum Jaamac Xuseen oo warbaahinta dhaliilo mar hore uga jeediyay maamulka gobolka.

“Sababta dilkaa waxaan u aragnaa mid kibir iyo shirqool ah oo lasoo qorsheeyay, waan in uu marxuuku cadaalad helaa”sidaa waxa ku dhwaaqayay qaar ka mid ah dadka gedoodsan oo waddooyinka magaalada xidhay, iyagoo dhagxaan iyo Taayiro ku gubay.

“Maalin walba dadka shacabka ah ayaa sidaa fudud xabad loogu dhuftaa oo loo dilaa, iyagoo aan hubaysnayn oo aan wax denbi ah geysan, caddaladna ma helaan, mana aha wax la aqbalayo. Amarka lagu dilay marxuumka waxa bixiyay Badhasaabka waana arrin foolxun.” Ayaa ka mid ahaa weedhaha ay ku dhawaaqayeen dadka gedoodsan.

Booliska ayaa tacshiirado rasaas ah ku furay dadka, taas oo sababtay in qaar ka mid ah dadka gedoodsan dhaawacyo soo gaadhaan.

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ayaan weli ka hadlin xiisada ka taagan Ceergaabo ilaa habeen hore oo ka dhalatay dilka Marxuumka Jaamac Xuseen Maxamed, kaddib markii isagoo dhaawac ay ka tageen Badhasaabka iyo sarakiisha la socotay ee ay ka qaateen Mobile-kiisa iyo Baastoollad uu sitay, sidaana ugu dhiigbaxay goobta ay kaga tageen, taas oo si weyn uga cadhaysiisay dadweynaha, balse Ehelada marxuumka iyo Odayaasha deegaanka Ceeryaan oo maydkiisa kasoo qaaday halkaa, ayaa shalay Magaalada Ceergaabo geeyay, waxaana la geliyay qaboojiyaha Cusbitaalka Ceergaabo.

Muddaharaadka iyo gadoodka oo socday saacado, ayaa sababay dhaawaca inta la ogyahay laba qof, wallow ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaadhay dad kale oo shacab ah iyo dhawr asrarta ka mid ah.

Taliye ku xigeenka Booliska ee gobolka Sanaag, Muj. Shiine Mirre Maxamed Nuux, ayaa xaallada ka hadlay, wuxuuna dadweynaha u sheegay in ay is dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaliyaan, isla markaana sugaan inta wixii dilka geystay lasoo xidhayo, balse aannay dhibaato intaa ka baddan dhicin.

Mar la weydiiyay Muj. Shiine khasaaraha wuxuu sheegay in laba qof oo shacab ah dhaawcyo soo gaadheen oo la dhigay Cusbitaalka Manhal iyo dhawr askarta Booliska ah oo dhaawacyo fudud oo dhagax ah soo gaadheen.

“Dhar shicib ayaan usoo xidhtay si aan ula hadlo, waan wadahadalay dadweynaha waxaan leeyahay wixii wax geystay waa la gaadhayaa, waxaan ka codsanaynaa in annay denbiilaha ka denbi baddan oo ay xaaladda dejiyaan” ayuu yidhi, Muj. Shiine Mirre oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Sanaag.

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Cabdikariim Duceele “Walhad” oo laga soo doortay deegaanka ayaa xukuumadda ugu baaqay in si degdeg ah baadhis loogu sameeyo dilkaa oo uu ku tilmaamay mid foolxun, isla markaana sida ay dadkii goobta joogay u sheegeen Badhasaabka gobolku ku amray askarta in ay dilaan maxrmuuka oo dadkii markii uu Ceeryaan tegey salaamayay ka mid ahaa.

Dilalka dadka shacabka ah, ayaa kusoo baddanaya Somaliland muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo aannay jirin la xisaabtan iyo in cadaaladda la horgeeyo askarta fulisa dilalkaa iyo cidda amarkooda bixisa mdina, taas oo niyad jab ku riday Bulshada, isla markaana sii xumaynay deganaanshaha, amniga iyo xasiloonida ay Somaliland ku caana maashay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com