Araweelo News Network

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo khubaro kala duwan oo ka hadlay sida lagu horumarin karo wax-soo-saarka Beeraha ee Somaliland

Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa furay shir ay ka qaybgelayaan khubaro iyo aqoonyahano kala duwan oo lagaga arrinsanayo sidii loo ogaan lahaa caqabadaha hortaagan wax-soo-saarka dhinaca beeraha ee dalka Somaliland.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay aqoonyahan badan oo takhusus dheer u leh culuumta beeraha iyo daneeyayaal dhanka beeraha, iyadoo uu Wasiirku sheegay in loo baahan yahay tallooyin iyo qorshayaal la xidhiidha kobcinta dhinaca wax-soo-saarka si ay bulshada reer Somaliland isku filnaansho uga gaadhaan cuntada.

“Shirkan waxa aynu isugu nimid waa mid lagaga tashanayo sidii dalku cunto ku filan u soo saaran lahaa ee aynu u soo saari lahayn, waxaananu iskugu kiin yeedhnay in aad maskaxdiina tuushisaan oo ka wasaarad ahaan anaga oo waafajinayna Qorshaha Horumarinta Somaliland (Somaliland National Plan) iyo Barnaamijka Xisbiga KULMIYE ee ololaha aanu ku galnay oo qodobka wax-soo-saarka beeruhu ugu muhiimsanaa aad soo saartaan natiijo sidii wax-soo-saar loo samayn lahaa ku qotonta,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeruhu.

Waxaannu Wasiirku intaas ku daray; “Dalalka Adduunka qaarkood, sida Itoobiya oo kale dadku waxa ay beertaan buuraha dushooda, innaguna bannaankii ayeynu beeran kari la’nahay, sababta innoogu wacan in aynu wax beeri kari la’nahay markii aan daraasad sameeyey waxa aan ka gayn waayey in aan isugu kiin yeedho intiinan oo khubaro ah, dabadeedna idinla tashano, kadibna isku hoggaamino sidii aynu dalka wax uga beeri lahayn ee aynu ula iman lahayn wax-soo-saar aynu kaga baxno xaaladda aynu maanta ku jirno.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilko-case) oo sheegay in loo baahan yahay sidii la iskaga kaashan lahaa wax-soo-saarka dhinaca beeraha.

“Anagu idiinmaanu yeedhin anaga oo isticmaalayna magac hay’adeed ee waxaannu idiinku yeedhnay bal in aynu isla eegno sidii aynu wax u qabsan karno, maadaama oo xukuumaddu cusub tahay, miisaaniyadiina gacanta lagu hayo. Xaaladaha adduunka ka dhacaya waad ka war haysaan oo waa muhiim in cuntadeena aynu soo saarano, mar aanu barigii Kaluumaysiga (ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga) aanu joognay dalka Ilaa Saylac ayaannu maraynay hilib xoolaad uunbaa la nagu casuumay, iyadoo reeraha qaar baddu la jaar tahay, mar aanu tagnay Harada Victoria ee dalka Uganda, waxaannu aragnay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dhoofiyaan inay kow ka yahay Kalluunku, markaa waxaan rabaa in aan idin xusuusiyo inta ay dawladdu cusub tahay aynu u gudbino wixii talo ah hadhaw marka ay raagto way adkaataa in wax la iska maqlaaye,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa khubarada aqoonyahanka, isla markaana hore u soo qabtay xilka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee shirka lagu marti-qaaday oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda uu wax-soo-saarku leeyahay iyo sida loo baahan yahay in la helo dhaqaale iyo miisaaniyad lagu horumariyo wax-soo-saarka dalka.

“Shan Wasaaradood oo dhinaca wax-soo-saarka inoo qaabilsan oo la isku daro waxa ka miisaaniyad badan Wasaaradda Madaxtooyada, markaa halkaasi ayaad ka garan kartaa sida aynu u qorshaynay in aynu wax-soo-saar la nimaadno, waxyaabaha ay ahayd in aan loo baahnayn waxa ka mid ahaa 70 Wasiir oo kharash iyo miisaaniyad leh, shaqaale intuu wasaaradda yimaado xaadiriska saxeexa, kadibna iska noqda, gawaadhida qaaliga ah ee la wato oo berigii hore dadku gawaadhi jaban ayey iibsan jireene, imminka gawaadhi qaali ah uunbaa la kaxaysanayaa,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxaannu intaas ku daray; “Dadkiinan meesha fadhiyaa wada masuuliyiin ayaad tihiin in aad aakhiradiina u tudhaan oo dalka u shaqaysaan ayaa loo baahan yahay, Ilaahayna (SWT) hawshan ha idinku asturo.”
Md. Cabqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Golaha Wakiillada, horena u soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha oo isna halkaas ka hadlay, ayaa
“Sannadkii 2000-kii markii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Wasaaradda Beeraha ayaanu kulankan oo kale qabanay, dhawr buug ayaana ka soo baxay, mushkiladaha jirana waxa ka mid ah sharcigii beeraha oo aan dhammaystirnayn, waxaanad arkaysaa suntii beeraha lagu buufinayey iyo raashinkii oo isku meel lagu iibinayo, qabyo badan ayaa wali dawladnimadeena ku jirta, waxaanna muhiim ah in aynu qabyadaas ka baxno, lana nimaadno wax-soo-saar dhinaca beeraha ah.”
“Beeralay badan ayaa cabata oo tidhaahda waxaannu soo saarno lama iibsado, iskaashatooyinka ayaan ku idhi bal ha la helo hal iskaashato oo hoteelada waaweyn ee dalka inta ay heshiis la gasho maalin kasta waxa ay u baahan yihiin soo saarta oo qorshaysa, kadibna waa la waayey cid shuruudahaas buuxisa, waxaana loo baahan yahay in aynu isla rog-rogno waxay tahay mushkiladda weyn ee ina hortaala,” ayuu yidhi Md. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale.