Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudaharaad ay saaka isugu soo baxeen taageerayaasha axsaabta mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa sababay khasaare dhawaacyo ssoo gaadhay xildhibaano iyo dad shacab ah, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay saraakiil iyo siyaasiyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka oo horkacayay mudaharaadka.

Ciidamadamada Booliska ayaa xoog ku kala kexeeyay mudaharaadayaasha markii ay soo gaadheen agagaarka diyaarada ee badhtamaha suuqa, waxaana ka dhashay khasaare dhaawacyo soo gaadhay xildhibaano iyo dad shacab sida uu warbaahinta u sheegay markaa kaddib guddoomiyaha WADDANI Xisri Cali Xaaji Xasan.

Mucaaradka ayaa ku baaqay in aannay joojinayn mudaharaadka ay hore ugu baaqeen, iyagoo balanqaaday in maalinta Sabtida soo socota ay samaynayaan isu soo baxa ugu weyn si ay u muujiyaan dareenkooda.

Guddoomiyha Xisbiga ugu weyn mucaaradka Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay hareera joogaan murrashaxiinta xisbiga ee doorashada Madaxtooyadda iyo saraakiil kale, ayaa ka hadlay sida wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay mudaharaadka, wuxuuna sheegay in aannay ku joojinayn mudaharaadka adeegsiga ciidanka ee ay wadayaan ilaa ay ka gaadhayaan ujeedada ay ka leeyihiin.

Guddoomiye Xisri wuxuu xaadiriyay magacyada xildhibaanada ku dhaawacmay iyo saraakiisha kale, sidoo kale wuxuu xaadiriyay siyaasiyiinta la xidhay iyo shaqsiyaadka kale.

Muuqaalkan ka Daawo sidii wax u dhaceen iyo Guddoomiyaha WADDANI oo ka hadlaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com