Araweelo News Network

Hadhuudhka

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin ay soo saartay waaxda wax soo saarka Beeraha waxa ay kaga hadashay tirakoob ay ku soo sameysay dalagyada soo go’ay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sanadihii u danbeeyay dalaga ugu badan ee soo go’ay uu ahaa hadhuudhka, iyadoo dadweyne badani haatan cunaan cuntada waddaniga ah siiba hadhuudhka iyo arabakhida ee (masagada iyo galleyda).

Haddaba Dr Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe oo ah madaxa waaxda wax soo saarka ee wasaaradda Beeraha, ayaa waxa uu arrintaa ugu warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed saciid Cige, oo marka hore weydiiyay wax soo saarka hadhuudhka oo ay hadda xoogga  saareen beeralleyda Somaliland.

 

Halkan  Ka dhegeyso warbixintaa oo dhamaystiran.