Wasaaradda Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Safka hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Daagaalka

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Iyo Taliyaha Jiida hore ee ciidanka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka saacadaha baddan socday ee ka dhacay maanta Laascaanood Iyo deegaanka Ganbadha oo qiyaastii 30 Km ka xigta dhinaca Garoowe ee Xarunta u ah Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

war-saxadaeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa lagu sheegay in Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland  u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Sareeyo Guuto Faysal Cabdi Bootaan image Araweelo News 27 Feb 2023

Basle Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabbad-diidka iyo argagixisada  ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisamada Ciidamadda Qaranka ee  jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.

“”Ciidamadda  Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardaradaa iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aannay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland ee Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

“Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya inay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika, ayuu yidhi Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ah wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Taliyaha jiida hore ee difaaca Qaranka Qaybta 12aad  Sareeyo Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo si kooban uga hadalay ayaa sheegay in kuwa weerarka soo qaaday ee ciidanka Puntland u qaateen ka bixitaankii ciidanka Qaranka ee Deegaanaka Tukaraq oo sida uu sheegay ahayd xeelad dagaal Inay ka guureen.

“Waa guulaysteen, hawlgal dagaal oo wanaagsan ayaa qaadeen, waxa halkan ka dagaalamaya ciidamkii Puntland, waxay u qaateen shalay markaana farsamo xeelad dagaal uga baxnay Tukaraq in Ciidamadii qaranku iska guureen. Dagaalka wuxuu marayaa duleedka Ganbadha Iyo Diyaarada dusheeda, waxa balan ah in aannu Laascaanood iyo Ganbadha difaacno oo ay Laascaanood kusoo noqoto gacanta Qaranka Somaliland. Waxa balan ah in Laascaanood aanu kusoo celino haddii aan mid ka hadhayn Ciiddanka Qaranka” ayuu yidhi Taliye Bootaan.