Riyadh(ANN)-Xukuumadda Dalka Suciidiga, ayaa ugu danbayntii sheegtay in Weriye Jamal Khashoggi, oo la waayay ka dib markii uu booqday qunsuliyadda waddanka Sucuudiga ee Istanbuul horaantii bishan, uu dhintay.

Sidaana, waxa shaaciyay xalay Jimcihii xili danbe Telefishanma dawladda ee Dalka Sucuudiga, waxayna sheegeen in dhimashada Weriye Jamal Khashoggi ay sababtay kadib markii dagaal dhexmaray dad ku sugnaa qunsuliyadda, balse faah faahin intaa ka baddan ma bixin Sucuudigu, sidoo kale ma Sheegin halka la geeyay Maydka Weriyahaa la dilay.

Wararka qaar, ayaa sheegaya Gen Ahmed al-Asiri, oo ah madaxa sir-doonka Dalka Sucuudiga, ayaa ka mid ah saraakiisha lala xidhiidhiyay kiiska, waxaana sidoo kale Xukuumadda Sucuudigu Xabsiga u taxaabtay 18 Qof oo ay ku jiraan saraakiil dawladda ka tirsan kuwaas oo ay khasab noqotay in Xabsiga loo taxaabo si ay dawladda Sucuudigu u dejiso xiisada ka dhalatay dilka Weriyahaa.

Sawirada Qaar ka mid ah saraakiisha ka qayb qaatay dilka Weriye Jamal Khashoggi ee warbaahinta Turkigu shaacisay.

Arrintan, ayaa soo baxday markii dawladda Turkigu si kalsooni leh ugu cel-celisay in ay hayso xogta dhabta ah ee dilka weriyahaa iyo weliba dadkii fuliyay, iyadoo kooxda lala xidhiidhiyay shirqoolka ay ku jiraan Ilaalada khaaska ah ee Amiirka leh dhaxalka Sucuuduga Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu awoodda baddan Qoyska Boqortooyadda, kaas oo sida ay maalmihii ugu danbeeyay faafinayeen warbaahinta Dalka Turkiga iyo kuwa caalamkuba farta ku fiiqayeen in aanu ka madhnayn shirqoolka lagu khaarajiyay Weriye Jamal Khashoggi.

Sawirada Qaar ka mid ah saraakiisha ka qayb qaatay dilka Weriye Jamal Khashoggi ee warbaahinta Turkigu shaacisay.

Dhinaca kale Warbaahinta dalka Turkiga ayaa shaacisay magacyada 15 Qof oo u dhalatay Sucuudiga, oo ay saraakiisha xukuumadda Ankara ku tuhunsanyihiin inay ku lug leeyihiin dilka Jamal Khashoggi, oo ah wariye caan ah oo u dhashay dalka Sucuudiga, kaas oo markii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul galay 2 bishan Oktoobar. Inta badan raggan ayaa magaalada Istambul ku tagay labo diyaaradood oo khaas ah, saacado ka hor intii aanu Mr Khashoggi u tegin Qunsuliyadda, si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay gabadha u dhalatay Turkiga si uu u guursado una cadeeyo inuu furay xaaskiisii hore.

Kooxdaa lala xidjiidhiyay dilka Weriyahaa ayaa isla galinkii dambe ee maalintaa dib ugu laabtay Dalka Sucuudiga, iyagoo diyaaradahaa khaaska ah isticmaalaya.

Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in raggaasi ay yihiin xubno ka tirsan sirdoonka , waxayna kala yihiin.

Saalax Muxammad A Tubaigy, oo ah 47 jir

Dr Tubaigy wuxuu ku takahsusay cilmiga dambi baarista, wuxuuna darajada mastarka ka dhammeeyay jaamacadda Glasgow ee ku taalla Scotland. Sannadkii 2015-kii ayaa loo diray saddex bilood oo uu arrimaha caafimaadka ee la xiriira dambi barista uga soo bartay waddanka Australia. Dhakhtarkana ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu yahay professor ku xeel dheer arrimaha caafimaadka ee la xidhiidha dambi barista, wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay madaxa dhinaca seyniska ee waaxda dambi barista Sucuudiga. Ciwaankiisa ayaa sidoo kale ku xidhiidhsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sucuudiga. Sannadkii 2014-kii ayuu wargeyska carbeed ee fadhigiisu yahay London ee lagu magacaabo Al Sharqul Awsar sheegay in Dr Tubaigy uu yahay korneyl ka shaqeeya waaxda amniga guud iyo dambi baadhsta ee wasaaradda arrimaha gudaha Sucuudiga. Wareysi uu ninkan siiyay wargeyskaas oo uu la socday sawir isagoo direyska ciidanka xidhan ayuu sharraxaad ka bixiyay aalad qalab sheybaadh ah oo uu u sameeyay si ay khubarada caafimaadka ugu adeegsadaan baadhitaanada meydadka, si deg deg loogu ogaado sababaha keena dhimashada dadka muslimiinta ah ee gudanaya waajibaadka Xajka. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Dr Tubaigy uu miinshaar sitay markii uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha ee Istambul.

Waxay intaas ku dareen in ninkan codkiisa laga maqlayo cod la duubay oo ay rumeysanyihiin in laga duubay Khashoggi oo la Jidh-dilayo ka dibna la jarjarayo. Nin lagu sheegay inuu yahay dhakhtarka ayaa la maqlayaa isagoo dadka kale ee meesha ku sugan ugu yeedhaya iney muusig la dhageystaan, xilli uu jarjarayay Jidhka Mr Khashoggi, sida laga soo xigtay saraakiisha Turkiga. Dr Tubaigy Ayaan wali wax jawaab ah ka bixinnin arrintan, hase ahaatee, qof isku shegay inuu abtigiis yahay ayaa shegay in uusan waligiis fal dambiyeed noocaas ah sameyn Karin.

Maahir Cabdulcasiis M Mutreb, oo ah 47 jir

Mr Mutreb ayaa la rumeysanyahay inuu muddo 2 sano ah ka shaqeynayay safaaradda Sucuudiga ee magaalada London. Macluumaad ay daabacday dowladda Ingiriiska ayaa lagu shegay in qof magacaas leh uu ahaa xog hayaha kowaad. Telefishinka CNN oo soo xigtay ilo wareedyo ku sugan London oo yaqaanay ninkaas, kuwaasoo sheegay in Mr Mutreb uu ahaa Korneyl ka tirsan sirdoonka Sucuudiga. Sawirro ayaa muujinaya in ninkan uu ilaa saddex jeer dibadda ula safray dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salman, tan iyo bishii March ee sannadkan 2018-ka. Wargeys taageera dowladda Turkiga ayaa daabacay sawir laga qaaday muuqaallada Kamarada CCTV oo uu ka muuqdo qof la rumeysanyahay inuu yahay Mr Mutreb, oo 2-dii bishii Oktoobar sii galayay xarunta qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul. Warbaahinta Turkiga ayaa tabisay in Mr Mutreb uu Istambul ku tagay diyaarad khaas ah, ayna isla socdeen Dr Tubaigy. Isla maalintaas galinkeeda dambe ayuu ku laabtay diyaarad kale oo khaas ah oo ay ledahay shirkadda Sky Prime Aviation.

Cabdulcasiis Maxamed M Alhawsawi, oo ah 31 jir

Wargeyska New York Times ayaa soo xigtay xirfadyahan Faransiis ah la soo shaqeeyay qoyska boqortooyada Sucuudiga, kaasoo ninkan ku sheegay inuu ka tirsanaa kooxda ammaanka ee la safarta amiir Maxamed Bin Salman. Mr Alhawsawi ayaa u duulay magaalada Istambul, isagoo la socday diyaarad ganacsi oo tagtay 2-dii bishii Oktoobar.

Wuxuu markii dambe dib ugu noqday diyaaraddii uu la socday Dr Tubaigy.

Daahir Qaalib Al Xarbi , oo ah 39 jir

Bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay ayaa nin isla magacaas leh loo dallacsiiyay darajada labo xiddiglaha, ka dib markii uu geesinimo ku muujiyay difaaca qansiga Amiirka dhaxal sugaha ah uu ku leeyahay magaalada Jida. Dhacdadaas ayaa ku saabsaneyd nin hubeysan oo toogasho ku dilay 2 ka tirsan ilaalada boqortooyada iyo dhaawicitaanka saddex kale, ka hor inta aan isagana la dilin. Mr Alharbi ayaa magaalada Istambul ku tagay diyaarad khaas ah wuxuuna uga laabtay diyaarad kale oo khaas ah.

Maxamed Sacad Al Sahraani, oo ah 30 jir

Nin magacaas leh ayaa ka diiwaangashan shabakadda bulshada ee MenoM3ay, waxaana u qoran inuu ka mid yahay ilaalada boqortooyada Sucuudiga. Nin isla magacaas leh ayaa lagu arkay sawir uu garab taaganyahay amiir Maxamed Bin Salman oo munaasabad ka qeyb galaya sannadkii 2007-dii. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Alzahrani uu Istambul ku tagay diyaarad ganacsi, ka dibna uu ku laabtay diyaarad khaas ah. Balse wargeyska Washington Post ayaa sheegay in qof ka qabtay taleefan ay garaaceen oo ku asteysan magacaas uu beeniyay inuu Istambul joogay xilliga la weynayay Khashoggi.

Khaalid Cayad Al Cuteyba , oo ah 30 jir

Nin magacaas leh ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay ilaalada boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu Istambul ku tagay diyaarad ganacsi, wuxuuna ku laabtay diyaarad caadi ah.

Naa’if Xasan Al Cariifi, oo ah 32 jir

Mr Al Cariifi ayaa lagu tilmaamay inuu shaqaale ka yahay xafiiska dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu Istambul ku tagay diyaarad ganacsi, wuxuuna ku laabtay diyaarad khaas ah.

Mustafa Maxamed Al Madani , oo ah 57 jir

Nin kan ayaa lagu tilmaamay inuu ka shaqeeyo waaxda sirdoonka ee dowladda Sucuudiga. Mr Al madani ayaa Sucuudiga ku tagay diyaarad ganacsi, wuxuuna dib ugu laabtay diyaarad ganacsi oo kale.

Mishcal Sacad Al Bostani, oo ah 31 jir

Shabakada MenoM3ay ayaa nin magacaas leh ku sheegtay inuu ka tirsanyahay ilaalada boqortooyada Sucuudiga. Mr Al bostani ayaa garoonka Istambul lagu arkay 2-dii bishii Oktoobar, wuxuuna dib ugu laabtay diyaarad khaas ah.

Waliid Cabdullaahi Al Sehri , oo ah 38 jir

Nin magacaas leh ayaa la sheegay inuu ka tirsanyahay ciidamada ee Sucuudiga. Mr Alsehri ayaa Istambul ku tagay diyaarad ganacsi, wuxuuna ku noqday diyaarad ganacsi.

Mansuur Cusmaan Abaa Xuseen, oo ah 46 jir

Nin magacan leh ayaa ayay MenoM3ay ku sheegtay inuu la shaqeeyo sirdoonka dalka Sucuudiga. Mr Aba Xuseen ayaa Istambul ku tagay diyaarad ganacsi wuxuuna ku laabtay diyaar kale oo ganacsi.

Fahad Shabib Al balawi, oo ah 33 jir

Nin magacan leh ayaa MenoM3ay ku sheegtay inuu ka tirsanyahay ilaalada boqortooyada Sucuudiga. Mr Albalawi ayaa Istambul ku tagay diyaarad ganacsi wuxuuna ku laabtay diyaar kale oo ganacsi.

Badar Lafi Al Cuteyba , oo 45 jir ah

Nin isla magacaas leh ayay MenoM3ay ku sheegtay inuu yahay Janaraal ka tirsan sirdoonka Sucuudiga. Mr Al Cuteyba ayaa Istambul ku tagay diyaarad ganacsi wuxuuna ku laabtay diyaar kale oo ganacsi.

Sayf Sacad Al Qaxdhaani , oo ah 45 jir

Nin isla magacaas leh ayay MenoM3ay ku sheegtay shaqaalaha dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga, sida laga soo xigtay wargeyska Washington Post. Mr Al Qaxdhaani ayaa istambul ku tagay diyaarad khaas ah, wuxuuna ku laabtay diyaarad ganacsi. Ninkan ayaa istambul ku tagay diyaarad ganacsi, wuxuuna ku laabtay diyaarad kale oo ganacsi.