Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, ayaa maalintii labaad ee Ololaha isu soo baxa uu ku muujinayo taageeradiisa ka muujiyay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo deegaamada kale ee dalka.
Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa kala qayb galay isu soo baxyadaa murrashaxiinta Xisbiga WADDANI iyo Masuuliyiinta sare ee Hoggaanka Xisbiga.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale ayaa kumanaan taageerayaasha Waddani ah kala qayb galay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa oo ay ku dabaal dageen. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna magaalada Burco kaga qayb galay damaashaadka kumanaan taageerayaal ah oo la dhacsan xisbiga Waddani, halka masuuliyiin kale iyo xildhibaano kala qayb galeen isu soo baxa taageerayaasha Waddani ee Ceerigaabo iyo Berbera.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharraxa madaxweyne xigeenka Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa magaalada Boorama kaga qayb galay isu soo bax balaadhan oo ka dhacay fagaaraha Khayridda Boorama. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa ayaa u qushuucay kumanaanka taageere ee camiray khayriyadda Boorama iyo hareeraheeda.

Musharrax xigeen Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa si dareen taabad leh ugu mahadceliyay taageerayaashiisa isugu soo baxay khayriyadda Boorama oo uu tilmaamay in ay ka turjumayso sida ay ula dhacsan yihiin isbedel lagu sameeyo talada Somaliland. Maareeyihii hore ee hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo afhayeenkii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa madasha ka sheegay in ay Waddani ku soo biireen. Siyaasiga Baashe Cali Jaamac, wasiirkii hore ee waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, iyo masuuliyiinta heer gobol ee xisbiga Waddani ayaa ku dheeraaday sida ay reer Awdal uga jawaabeen isbedelka uu rabo xisbiga Waddani waxaanay u mahadceliyeen taageerayaasha. Qaar ka mid ah salaadiinta gobolka iyo suldaanka guud ee Somaliland ayaa bulshada ku boorriyay in ay maalinta doorashada codka la ogaadan xisbiga Waddani si isbedel loogu sameeyo talada Waddanka.

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay bulshada reer Awdal kuna suntay ballanqaadyo iyo dhalliilaha xukumadda Kulmiye “Waxaan u mahadnaqaya shacbiga gobolka Awdal ee dareenkooda muujiyay iyaga oo aan u kala hadhin ee sida midnimada leh, maamuuska iyo milgaha leh ee muuqaalka leh aad iskugu soo baxdeen idinka oo muujinaya dareenkiina, idinka oo ka jawaabaya dareenka shacbiga Somaliland ee isbedel doonka ah. waxaan idiinka mahadnaqaya rabitaankiina oo jawaab u ah wax aad maanta doonaysaan. Waxaan u mahadnaqaya dadka soo qaban qaabiyay munaasibaddan,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Waxa uu musharrax Cabdiraxmaan Cirro intaasi raaciyay in xukumadda Kulmiye dalka dhibaato weyn dhaxalsiisay “Somaliland cid baa dabada haysa in ay hore u socoto, waxaan ku cambiraya gabay uu tiriyay abwaan Dhoodaan oo ay ka mid ahaayeen ‘Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye, raqba waa raggeedii, saw xaalku kuma roona’ dawladnimaddeenii iyo Qarannimadeenii way ruqatay waxaana u sabab ah oo dhulka dhigay xisbiga Kulmiye. Walaalayaal waad ka war haysaan xaalka Somaliland. Kulmiye wuxuu yidhi ‘Somaliland loo siman yahay ma jirto, Somaliland waa jeegaan iyo inta kale ayuu Kulmiye yidhi. Inagu waxaynu doonayna Somaliland la wada leeyahay, Somaliland loo siman yahay, taasi waxay ku imanaysa marka aynu gacmaha is qabsanno,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Waxa uu intaasi ku daray in xukumadda Kulmiye xaraashtay xoolihii umadda ee danta guud “Waxaad ka war qabtaan in Kulmiye xaraashay wixii umaddu wada lahayd; haddii ay tahay Madaar, Deked, Dhul, hadday tahay iskuul, hadday tahay laymankii booliska iyo haddii ay tahay hanti kale oo maguurto ah, meel bad qabta miyay jirta? Maxaa inoo hadhay? Dadka uun in la iibiyo ayaa hadhay ayaan u malaynaya. Walaalayaal waxaynu u baahan nahay in aynu hambada Somaliland badbaadino, yaynu ka badbaadinayna? Kulmiye ayaynu ka badbaadinayna,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Geesta Kale Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa ballanqaadyo u sameeyay bulshada gobolka Awdal “Waxaan kalmad ka odhanaya arrinta saami qaybsiga , maalin dhawayd oo la doodayay waad ka warqabtaan, Muuse wuxuu yidhi ‘Saami qaybsigii waanu dhammaynay’ halkan waxaan ku haya warqaddii tabashada ee ay ku dhammaayeen salaadiinta reer Awdal, garaadooda iyo waxgaradka, waxaan idiin sheegaya wax laga qabto daaye in aan laga soo jawaabin, bal haddaba Muuse ha la wadyiiyo goorta uu dhammeeyay saami qaybsiga. Walaalayaal waxaan rumaysnahay in ay reer Awdal mudan yihiin in laga jawaabo tabashadooda, in laga jawaabo oo waliba wax laga qabto. Waxaan Illaahay ka baryaya in uu inagu simo oo Waddani ku simo oo aniga igu simo waxaan ballanqaadaya cabashada in aan wax ka qabanayo

 

 

“Gobolka Awdal waa gobol Qani ah oo u baahan in la kobciyo dhaqaalihiisa, si taas loo sameeyo waxaanu wax ka qaban doona Waddada Jabuuti iyo Boorama, oo kobcin doonto dhaqaalaha iyo isu socodka oo abuuri doonta shaqooyin badan oo dhalinyaradu hesho. Waxaanu wax ka qaban doona Madaarka Boorama oo sahli doona isu socodka. Waxaanu wax ka qaban doona xuduudka Jabuuti iyo Somaliland iyo arrinta Lawyo caddo ee ah cashuurta faraha badan ee laga qaado shacabka. Waxaanu dhimi doona cashuuraha laga qaado dekeddaha gobolka Awdal. Waxaanu kor u qaadi doona tacliinta Somaliland oo Awdal noqon doonto xarunta tayaynta tacliinta Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka qoraalka ah ee naga soo gaadhay Xisbiga Waddani.