Hargeysa(ANN)-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland,  Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed  oo lagu naanayso (Dhakool ), isla markaana  ka tirsan Xildhibaannada  golaha Wakiiladda Somaliland ee kasoo jeeda  gobolka Sool oo iidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland xabsiga u taxaabeen xalay.

Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Fooxle, oo ka hadlaya sababta loo xidhay xildhibaanka, wuxuu yidhi, Ciidamadda Booilsku waxay 9 May 2019, caweyskii tobankii habeenimo xidheen Xildhibaan Maxamed Axmed (Dhakool), kaas oo ku kacay falal lid ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, kana hor yimi jiritaanka qaranka, waxaana qabashadiisa loo cuskaday Qodobada Dastuurka ee 49 iyo 79, isagoo ku kacay falal kala qaybin Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland ah iyo kicin, isagoo ka hor yimi mabaadiida qaran ee Ummada Somaliland iyagoo isku dhan wada jir ku go’aansadeen shirweynihii gooni isu taaga qaranka Somaliland ee magaalada Burco.” Ayuu yidhi, Taliye Fooxle

“wuxuu ku sheegay maalin madaw oo cid gaar ah ay leedahay, taas oo ka hor imanay qodobka koowaad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu hayaa fal denbiyeedka , (Flagrante Delicto)  hadaladiisii oo uu ku faafiyay Baraha Bulshadda iyo dhammaan warbaahinta.” Ayuu yidhi, Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan oo ka hadlayay xadhiga xildhibaankaa.

Labada Qodob ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee loo cuskaday xadhiga Xildhibaan Dhakool halkan ka akhri:-

QODOBKA 49AAD

DHAWRSANAANTA XUBINTA

GOLAHA WAKIILADA

1.            Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.

2.            Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

3.            Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

4.            Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii Iagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo.

5.            Golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

6.            Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7.           Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyadoo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.

QODOBKA 79AAD

EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA

  1. Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira fal­dembiyeed (Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig ah.

                Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.

2.    Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer-ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.

                Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice)

Source: somalilandlaw.com/Distoorka_oo_Dhan.htm