Hargeysa (ANN) – Taliyaha ciidanka Millateriga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamman Ciidanka Qaran xuska sannad guurada 28-aad ee gooni-isutaaga Somaliland ee 18-ka May oo Sabtida berri ku beegan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani isagoo ku hadlaya Magaciisa, Ka saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo Dableyda Ciidanka Qaranka JSL iyo Xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin Dalka, wuxuu ugu hambalyeynaya Munaasibada Xuska Sannad Guurada 28-aad ee la soo noqoshada xoriyada Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan Barito oo ay tahay 18 May 2019.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani wuxuu Alle uga baryayaa in uu Sannadkan sanadkiisa kale ku gaadhsiiyo Caafimaad iyo Cimri dheer.