Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar kale oo wehelisay, ayaa ku dhintay qarax xilli ay ku sugnaayeen deegaanno ka tirsan shabeelada dhexe ee Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ee ku nafwaayay qaraxa, ayaa ku hawlanaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee muddooyinkan ka socday Shabeelada dhexe iyo gobollada dhexe.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida sarkaalkaa iyo Askarta kale, wuxuuna ku tilmaamay geesiyaal u shahiiday qaranka.

“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo Askartii kale ee la shahiidday waxay waqtigooda iyo naftoodaba u hureen sidii ay nabad ugu noollaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dedaal baddan geliyeen sidii Soomaaliya looga sifayn lahaa kooxaha Argagixisada.” ayuu yidhi, Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna Allah uga baryay inuu janafardawsa ugu deeqo Sarkaalkaa iyo Askartii kale ee la geeriyooday.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.