Araweelo News Network.

  #General #Saadiq, wuxuu ka digay in Baarlamaanku Sameeyaan muddo kordhin aan heshiis lagu ahayn oo sababta Fawdo Iyo qallaase aan loo baahnayn.

 

#Muqdisho(ANN)-Taliyihii  ciiddanka Booliska gobolka Banaadir,  Cumar Xasan (Saadiq John)’ ayaa si deg-deg ah xilka looga qaaday, kadib markii uu bixyay ammar uu ku Joojinayo Fadhigii Baarlamaanka Soomaliya ee la doonayay in xilka loogu kordhiyo xukuumadda Federaalka ah.

Genaral Saadaq, ayaa ku Wargeliyay Mudanayaashu Baarlamaanka in aan loo baahnayn in la sameeyo, amma la qaado tallaabooyin sida uu sheegay khal-khal siyaasadeed abuuray, Isla markaana wax u dhimanaya nabadgelyada Iyo amniga muqdisho, gaar ahaan Caasimada oo ammaankeeda uu masuul ka yahay.

Taliyaha Booliska Banaadir, wuxuu ku wargeliyay xildhibaanada in ay ku laabtaan deegaamada ay ka yimaadeen oo dadka ay metalayaan soo weydiistaan in dib loo soo doorto, isagoo dhinaca kale ugu baaqay kooxaha isku haya siyaasada ee Xukuumadda xilligeedu dhammaaday, maamul goboleedyada  iyo siyaasiyiinta Mucaaradka in ay xal soo wada gaadhaan.

“Ma Rabo in Dalka dib loogu celiyay, Dalka wuxuu ku socday Doorasho kasoo bilaabantay Cabdiqaasim Salaad, mana oggolaanayno in hub laysu qaato oo dil dhac iyo boob la sameeyo, taas cidna kama yeelayno ee waxaan leenahay ra’iisal Wasaaraha xal keena oo fadhiga ka kaca oo dib ugu noqda wada hadaladii wax raali laga wada yahay keena.”ayuu yidhi, General Saadiq oo farriin u dirayay kooxaha ku hirdamaya Siyaasada Soomaaliya Iyo baarlamaanka mudda kordhinta loo soo abaabulay.

 

Hase yeeshee xukuumadda xilligeedu dhammaaday ee Farmaajo, ayaa jawaab cadho ah kaga falcelisay ammarka General Cumar Xasan (Saadaq John)  waxaana durbadiiba xilka ka qaaday, iyadoo Taliyaha Gobolka Banaadir loo magcaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

 

Sarkaalka la magcaabay oo hore u ahaa Taliyaha ciiddanka Hanimcadka, waxa magcaabay  Sareeye Gaas  Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo loo magcaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

 

Mucaaradka, ayaa ugu baaqay Taliyaha cusub in aannu aqbalin xilka loo magcaabay, waxaana arrintaa ka dhashay walaac, iyadoo Baarlamaanku hawsheeda iska watay si ay u sameeyaan mudda kordhinta u qorshaysanayd.

Araweelo News Network.

Info@araweelonews.com