Araweelo News Network

Badhasaabka  Gobolka Salal  Dr. Axmed Maxamed Xaashi  (Axmed Naasir) photo file

Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) photo file

Salal(ANN)Taliyihii Gobolka Salal Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin iyo Taliye ku xigeenkisii Raage Muuse Dirir, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen shil baabuur oo caawa ka dhacay meel u dhaxaysa Deegaanka Ceel-Gaal iyo Laanta Murada.

sidaana waxa shebelada wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo khadka isgaadhsiinta ugu waramay Araweelo News.

Gudoomiyaha Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi, sheegay in sidoo kale shilkaa uu ku dhaawacmay Dareewalkii gaadhiga Maxamed Suge Muumin, wuxuu xusay in shilkaa uu sababay kadib markii gaadhi weyn kuwa Xamuulka qaada ah iyo gaadhiga ay wateen masuuliyiinta Booliska ee gobolku isku dhaceen xili ay Badhasaabka iyo saraakiisha Boolisku ku jireen kormeer shaqo.

Hase yeeshee ma sheegin wax dhaawac iyo dhimasho ah oo gaadhiga Xamuulka kasoo gaadhay shilkaa dadkii saarnaa.

Dr. Axmed Maxamed Xaashi, wuxuu sheegay inay dhinaca Dalka Djibouti u qaadeen dhaawacii Taliyaha iyo ku xigeenkiisa iyo dareewalkii gaadhiga, “Waxaan u qaadnay dhinaca Dalka Djibouti, dhaawacana waxba lagama sheegi karo ilaa la baadho” ayuu yidhi.