Araweelo News Network

Donald Trump  andHillaryWashington(ANN)- Dadweynaha Maraykanka, ayaa u dareeri doona codbixinta doorashada madaxtinimada dalka Salaasadda Maanta ee 8-da bisha November 2016, si Madaxweyne ugu doortaan murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo murrashaxa xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton, iyadoo saadaalaha kala duwan ee la sameeyey ay muujiyeen in labada murrashax aad isugu dhaw yihiin, balse ay Hillary Clinton qiyaas yar ka horayso.
Codbixinta doorashada oo ka furmaysa guud ahaan 50 ka gobol ee dalka Maraykanka, inkastoo ay ku kala duwan yihiin waqtiga bilowga iyo xidhitaanka sanaaduuqda ee gobollada maadaama ay ku kala duwan yihiin saacadda, taas oo ay ka codayn doonaan in ka badan 120 milyan oo muwaadiniinta Maraykanka ah.
Haddaba, doorashadan Maraykanka ka bilaabaysa maanta oo ah mid xaasaasi ah, waxa wargeyska Jamhuuriya ka diyaariyey warbixintan oo diiradda saaraysa habka doorashada Maraykanka iyo rajada ay kala qabaan labada murrashax ee Trump iyo Hillary iyo weliba fursadaha mid waliba haysato.
Habka Doorashada Maraykanka:
Doorashada Maraykanku maaha mid lagu kala guulaysto tirada badan ee dadka codka bixiya amma codadka guud ee la dhiibtay, balse waxa lagu guulaystaa sida loo kala badsado 538 cod (Electoral votes) oo ah tirada uu ka kooban yahay labada aqal ee Baarlamanka Maraykanka ee Wakiillada iyo Odayaasha oo matalaya 50-ka gobol ee dalku ka kooban yahay, iyadoo gobol waliba ku leeyahay saami tiradiisu ku salaysan tahay tirada dadka ku nool. Waxaanna Madaxweyne noqda murrashaxa hela codadka kala badh iyo hal-dheeri ama ka badan 538 cod, taas oo ah 270 iyo wixii ka badan, waana tirada sirta ah ee lagu helo Madaxweynenimada Maraykanka.
Gobollada Muhiimka u ah doorashada:
Gobollada kala ah; Florida, North Carolina, Ohio, Pennsylvania iyo Virginia, ayaa halbowle u ah guusha doorashada, isla markaana labada murrashax ee Trump iyo Hillary ka ku guulaysata codadka saddex iyo wixii ka badan ee gobolladan ayey u badan tahay inuu noqdo Madaxweynaha beddeli doona Madaxweynaha waqtigiisa dhammaystay ee Brack Obama.
Waa maxay sababta Gobolladani guusha u horseedayaan?
Sababta kowaad ee ugu muhiimsani waxa weeye, gobolladani waxay dhammaantood ku yaalaan bariga Maraykanka oo way ka waqti horreeyaan dalka intiisa kale, maadaama ay cadceedu u soo hor baxdo, sidaas darteed, codbixintooda waxa la soo xidhayaa iyadoo inta kale ee dalka ka socoto, natiijada ka soo baxdaana waxay tilmaan u noqonaysaa dhinaca guusha doorashadu u janjeedho intaan la soo gunnaanadin codaynta.
Qodobka labaad, waxa weeye gobolladani isugayn waxay haystaan tirada ugu badan ee codadka saamiga kuraasta Baarlamanka (Electoral votes), waxaanay marba mid raacayeen mid ka mid ah labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga soddonkii sanno ee u dambeeyey.
Gobolka Florida oo ah ka la isugu dhowyahay oo ay adag tahay in la saadaaliyo halka ay u codayn doonaan, waxa degan cod-bixiyayaal badan oo taageera xisbiga Dimuqraadiga, inkastoo tiro badan oo dadka codkooda dhiibanaya oo asalkoodu ka soo jeedo dalka Cuba ay u janjeedhaan xisbiga Jamhuuriga.
Gobolka Ohio oo isagana si aad ah la isugu hayo, waa gobolka looga codeeyey madaxweyne kastoo oo doorashooyinka Maraykanka ka ku guulaystay tan iyo sannadkii 1964, muddadaas oo ay dhaceen 13 doorasho oo isku xigay, sidaas daraadeed tani waxay tahay astaan muujineysa cidda beddeli doonta Barack Obama.
Tobankii doorasho ee u dambeeyay gobolka Ohio waxa uu shan jeer u codeeyey xisbiga Jamhuuriga iyo shan jeer oo doortay xisbiga Dimuqraadiga ah.
Sidoo kale, Gobolka North Carolina oo aan xisbina taageerin ayaa la isku hayaa, waxaanna gobolkani doorashadii 2004-tii u codeeyeen Madaxweyne George W Bush, doorashadii 2008-dii waxay taageereen Barack Obama, halka tii 2012kii ay u codeeyeen Mitt Romney oo la tartamay Barack Obama. Gobolkan dad kala duwan ayaa ku nool oo ay ka mid yihiin madowga codka bixiya oo ka walaacsan midab-kala-sooca uu ku ololeeyey Donald Trump, halka caddaanka saboolka ahi a y u codaynayaan murrashaxan muranka badan dhaliyey.
Waxa kaloo labada murrashax isku baacsanayaan gobollada New Hampshire, Pennsylvania, Virginia, New Mexico iyo New York.
Gobollada kale ee isha lagu hayo sida codayntoodu noqoto waxa ka mid ah; Maine, Wisconsin, Michigan, New Hampshire, Arizona, Colorado, Iowa iyo Nevada.
Gobollada Labada Murrashax mid waliba isku hubo codkooda:
Donald Trump waxa uu haystaa taageerada gobollada kala ah; South Carolina, Kentucky, Georgia, Texas, Mississippi, Alabama, Louisiana, Arkansas, Missouri, Indiana, West Virginia, Tennessee, Oklahoma, Nebraska, Kansas, Idaho, North Dakota, South Dakota, Montana, Wyoming iyo Alaska. Sidoo kale, labada gobol ee Georgia iyo Texas ayaa u dhaw inay raacaan xisbiga Jamhuuriga, laakiin weliba waa laga shakisan yahay dhanka ay u ciiri doonaan.
Hillary Clinton waxay isku hubtaa taageerada gobollada kala ah; Vermont, Rhode Island, New York, New Jersey, Massachusetts, Connecticut, Delaware, Maryland, District of Columbia, Illinois, Minnesota, California, Oregon, Washington, New Mexico iyo Hawaii.
Gobolka magaciisa la yidhaa Wild Card ama Utah waa gobolka keliya ee la filayo inuu taageero murrashaxa xisbi saddexaad oo aan ahayn labadan waawayn ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.
Shaacinta Natiijada Doorashada:
Guud ahaan marka goobaha doorashadu xidhanto, ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada hordhaca ah oo la filayo inay sii dayn doonaan telefishannada waawayn ee Maraykanka iyo hay’adaha kale ee wararka, marka natiijada gobollada laga sheego shabakada wararka ee ABC. Hase ahaatee, natiijadani maaha mid xaqiiq kama dambays ah ee waa hordhac uun.
Haseyeeshee, waxa jira gobollo iyaga natiijada codayntooda oo rasmi ahi soo bixi doonto 24 saacadood ka hor dhammaadka codbixinta guud ahaan dalka oo dhan, waxaanna ka mid ah saddex magaalo oo ka tirsan Gobolka New Hampshire oo dhaqanka codayntoodu aannu caadi ahayn, sidoo kalena, magaalooyinka Dixville, Harts Location iyo Millfield oo inta codbixiyayaashoodu hal mar isu yimaadaan codkooda dhiibtaan kadibna si degdeg ah loo tiriyo natiijada, iyadoo natiijada rasmiga ah la filayo inay soo baxdo subaxnimada hore ee Arbacada berri haddii Ilaahay yidhaah.