Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Guud ahaan goobihii codbixinta doorashada dalka Kenya, ayaa lasoo xidhay fiidkii, waxaana inta badan la bilaabay tirinta codadka, iyadoo la tiriyay 42 %, boqolkiiba, waxaana weli socota tirinta dadkii codkooda ka dhiibtay doorashada maanta ka dhacday dalkaa oo loolan xamaasadaysani hadheeyay.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa lix milyan iyo dheeraad cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, , waxayna labada murrashax ee ugu loolanka adag kala heleen sidan, Uhuru Kenyatta ayaa haysto 54.9% boqolkiiba oo u dhiganta 3, 336, 790, halka murrashaxa mucaaradka Raila Odinga uu haysto 44.4%. boqolkiiba oo u dhiganta 2, 699, 908 codadka ilaa hada la tiriyay.

Goobta ay ka socoto tirinta codadka oo ah Xarunta Bomas waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale, kuwaas oo aad u danaynaya doorashada Kenya, sidoo kale waxaa goobtaa ku sugan kormeerayaasha ka socda dalalka reer galbeedka iyo kuwa Ururka midawga Afrika.

Doorashada Kenya oo indhaha lagu hayo, ayaa ahayd mid si way ee loogu soo baxay codbixinteeda, iyadoo dadku safaf dhaadheer galeen subaxnimadii hore ee waaberigii, waxayna kusoo dhamaatay si nabad ah, marka laga reebo waxyaabo aan sidaa u weynayn oo meelaha qaar ka dhacay safafka oo cidhiidh ahaa awgood, Afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe ayaa sheegay in sida loogu soo baxay doorashada ay muujinay in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay, wuxuuna amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Balse waxa uu Mr. Eric Kiraithe sheegay in dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada , sidaa awgeed ay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada, iyadoo la filayo in natiijada la shaaciyo saacadaha soo socda.