Safiirka Ruushka Ee Britain Oo Ka Hadlay Istcimaalka Hubka Nukliyeerka

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku calaacalay in xaalad adag oo aan la soo koobi karin ay ka taagan tahay dhanka bariga ee dalkiisa, halkaasoo sida uu qiray ay ciidamada Ruushku guulo ka gaadhayaan dagaalka.

Khariidada Severodonetsk, Luhansk Oblast, Ukraine, 93408

“Xaaladdu aad ayay u cakiran tahay, gaar ahaan aagaggaas ka tirsan Donbas iyo gobolka Kharkiv, halkaas oo ciidammada Ruushku isku dayayaan in ay ugu yaraan wax natiija ah naftooda ku xajiyaan,” sidaa ayuu Zelenskyy ku sheegay warkiisa Sabtidii.

Ciidamada Ruushka ayaa Sabtidii kor u qaaday weerarkooda Severodonetsk oo dad lagu qiyaasay 15,000 ay ku sugan yihiin, iyadoo ay maalmo ku hareeraysnaayeen, iyagoo ugu danbnayntii sheegay inay qabsadeen xarunta tareenka ee Magaalada Lyman ee u dhow.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo xoogaga gooni u goosadka ee xulafada ah ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Lyman oo ah goobta ay maraan tareennada laga raaco ee galbeedka wabiga Siverskiy Donets ee Donetsk. laakiin wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine, Hanna Malyar, ayaa sheegtay in dagaalka Lyman uu sii socday.

Qabsashada iyo Xakamaynta Lyman waxay siin doontaa millateriga Ruushka meel kale oo gobolka ah oo ahmiyad weyn u leh dagaalka., waana Waddada kaliya ee Ukraine ku xidhiidhisa caalamka dibadda,. Waxay leedahay buundooyinka ciidamada iyo agabka ay kaga gudbaan wabiga Siverskiy Donets, kaasoo ilaa bilawgii dagaalka caqabad ku ahayd in ciidamada Ruushku hore ugu sii socdaan Donbas.

Guulaha Ruushka ee maalmihii la soo dhaafay ee Donbas ee bariga Ukraine oo ka kooban gobollada Luhansk iyo Donetsk , ayaa tilmaamaya isbeddel aan macquul ahayn oo dagaalka hadda ku jira bishii afraad.

Kyiv, ayaa sheegtay in aannay aqbalayn wadahadalka haddii aannay ciidamada Ruushku ku laaban goobihii hore iyo xadka labada dal u dhexeeya, balse waxa muuqata in ruushku xilligan dagaalka ka gaadhay guulo millateri iyo kuwo istiraatiijiyadeed oo ahmiyad weyn u leh duulaanka galay bishii Afraad.

Zelenskyy, wuxuu sheegay in kasta oo ay jiraan difaacyadayada ciidamadiisa ay kor ugu qaadayaan, laakiin wuxuu si dhab ah u sheegay in xaaladdu noqotay mid aan la soo koobi karin oo ay aad ugu adag tahay.

Millateriga Ruushka, ayaa xoojiyay dagaalka saddexda bilood maraya ee ay ka wadaan guddaha dalka Ukraine magaalada labaad ee ugu weyn ee Kharkiv, ayaa inta baddan gacanta u gashay.

Sidoo kale, caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa dadku si weyn uga muujinayaan wer wer, iyadoo dagaalka Ruushku ka wado halkaa sii xoojinayo.

Duullaanka ku waajahan gobolka Donbas ee bariga Ukraine, ayaa suurtageliyay in Millateriga Ruushku oo qaadaya weeraro ay qabsadaan tobanaan magaalo oo ku yaala Luhansk iyo Donetsk.

Magaalada muhiimka ah ee warshaddaha caanka ku ah ee Severodonetsk waxay ku jirtaa meelaha gacanta u galay ruushka, sida ay xaqiijinayaan warbaahinta reer galbeedka ee ku sugan gobolka oo sheegaya in 95% ruushku gacanta ku dhigay, taas oo ahmiyad weyn u leh dagaalka.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy waxa uu dalalka reer galbeedka weli ka dalbanayaa in lala soo gaadho hub culus, isaga oo xaaladda Donbas ku tilmaamay mid aad u adag.

Dhinaca kale, Safiirka Ruushka ee Britain ayaa BBC-da u sheegay in aanu rumaysnayn in dalkiisu u adeegsan doono hubka Nukliyeerka ah dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Andrei Kelin ayaa sheegay in marka loo eego qawaaniinta millateriga Ruushka, hubkan oo kale aan loo isticmaalin iskahorimaadyadan oo kale.

Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay eedeymaha dambiyada dagaal ee ka dhacay magaalada Bucha in ay yihiin “mid been abuur ah”.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK Liz Truss, ayuu ku tilmaamay “mid dagaal badan” oo aan khibrad lahayn..

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com