Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Vladimir Putin ayaan ka qeybgali doonin aaska Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeeti oo geeriyooday Salaasadii 30 August 2022,  sida uu xaqiijiyay war kasoo baxay aqalka Kremlin-ka.

Afhayeenka Dmitry Peskov ayaa sheegay in “Jadwalka shaqo ee Mr Putin” aanu u ogolaan doonin inuu ka soo qayb galo xaflada loo qabanayo Sabtida Mikhail Gorbachev oo ah hoggaamiyihii hore ee Soofiyeedka ee geeriyooday.

Mikhail Gorbachev, oo loo doortay Xoghayaha Guud ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Midowga Soofiyeeti 1985, wuxuu bedelay taariikhda adduunka siyaasadihiisa mataanaha ah ee “glasnost” – “furfurnaan” – iyo “perestroika” – “dib u habeyn”., isagoo burburiyay Midawgii Soofiyeeti ee aduunka ka calan-walaynayay muddada ku dhow qarniga.

Warbaahinta Ruushka ayaa baahisay sawirro muujinaya Putin oo ubax ag dhigaya sanduuqa furan ee Gorbachev ee cisbitaal ku yaal magaalada Moscow maalintii Khamiistii 1 September 2022.

Gorbachev, ayaa hormood u ahaa isu keenida Yurub iyo Ruushka, si loo soo afjaro dagaalkii qaboobaa ee muddada dheer u dhexeeyay NATO iyo WARSAW, waxyana taasi meesha ka saartay awooddii weynayd ee Midawga Soofiyeeti,

Dib u habeynta Gorbachev ayaa gacan ka geysatay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, balse wuxuu arkay burburkii Midowga Soofiyeeti, taasoo uu Mr Putin ka xumaaday, waana sababta xudunta u ah dagaalka xilligan ka socda Ukraine, salka ku haya khiyaamooyin ay dalalka reer galbeedka ee Yurub iyo xulufadda Maraykanku kula kaceen Ruushka, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Moscow, sida uu marar baddan ku dooday Madaxweyne Vladimir Putin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com