Araweelo News Network

waddanishirkiHargeysa (ANN)Golaha Dhexe xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa dooran doona murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigooda uga qaybgelaya tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horraanta sannadka soo socda ee 2017, Sabtida berri.

Shirka Golaha Dhexe ee WADDANI oo Hargeysa ka furmay Arbacadii toddobaadkan, waxa ay ansixin doonaan murrashaxnimada jagada Madaxweynaha ee xisbigaas oo uu kelidii u taagan yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), laakiin waxa loollan ka taagan yahay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay u sharraxan yihiin laba xubnood oo ka soo wada jeeda Gobolka Awdal – Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee WADDANI Md. Axmed Muunin Seed iyo Ambassador Maxamed Cali Cabdi.
Ma jirto cid Guddoomiye Cirro kula tartamaysa murrashaxnimada Madaxweynaha, waxana qorshuhu yahay in murrashaxnimadiisa lagu ansixiyo shirka golaha dhexe ee xisbiga, halka labada murrashax u taagan Madaxweyne-ku-xigeenku ku kala calaf qaadi doonaan codadka xubnaha ergooyinka Golaha Dhexe ee WADDANI oo tiradoodu ka badan tahay 550 xubnood maalinta Sabtida berri.

Shirka Golaha Dhexe ee WADDANI oo maalintiisii labaad galay Khamiistii shalay, waxa lagu soo bandhigay, isla markaana lagu falanqeeyey barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu ku gelayo ololaha doorashada Madaxtooyada ee la muddeeyey 28 March 2017, iyadoo nuqullo ka mid ah barnaamijkaas loo qaybiyey ka-qaybgalayaasha shirka oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Md. Ibraahim Jaamac Rayte, marwo Faadumo Siciid iyo Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI, ayaa faahfaahin ka bixiyey barnaamijka xisbigoodu soo bandhigay, waxayna ergooyinka shirka ka qaybgalaya ka codsadeen inay talooyin iyo fikir ka dhiibtaan.