Araweelo News Network

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 25 November 2017. Photo File Araweelo News News

Hargeysa (ANN)- Warbixin ay diyaarisay haweenay suxufiyad madaxbannaan ah oo magaceeda la yidhaah Megan Lecebini, ayaa lagu falanqeeyey waxyaabaha horyaal Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Warbixintan oo lagu daabacay wakaallo iyo hay’addo warbaahineed oo caalamka ah toddobaadkan (1 December 2017), waxay suxufiyaddu ku sheegtay in doorashadii Madaxtooyada Somaliland ay dadkeedu rajo wayn ku qabaan inay u soo jiidi karto aqoonsi ay ka helaan dalalka caalamka, taas oo xustay inay ahayd mid goob-joogayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii dalka ee kormeerayey ay caddeeyeen inwy ku soo gebagebowday si nabadgalyo oo xor iyo xalaal ah, inkastoo ay xuseen inay jireen waxoogaa cabashooyin ah oo la sheegtay, balse aanay ahayn mid wax u dhimaysay habkii doorashadu u dhacday.

“Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee uu jagada Madaxweynaha ku guulaystay Mudane Muuse Biixi waxay ahayd mid muhiim u ah dadka reer Somaliland, ujeeddaduna may ahayn oo keliya doorasho madaxweyne, balse waxay tahay in mar kale si dimuqraadiya la isugu wareejinayo hoggaaminta dalka Somaliland ay u noqonayso astaan muujinaysa biseyl iyo deggannaansho siyaasadeed.” Sidaa waxa qortay haweenay suxufiyad madaxbannaan (Freelance) ah oo gobolka Bariga Afrika wax badan ka qortay oo la yidhaa Megan Lecabini de Fazio oo warbixinaha iyo qoraallada ay ka samayso gobolka inta badan ku daabacda Aljazeera, El Paris iyo kuwo kale.

Suxufiyaddu waxay warbixinteeda ku sheegtay in Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu waajihi doono caqabado dhammaantood isugu soo biyo-shubanaya sidii uu dimuqraadiyadda cusub ee guusheedu ka curatay dalka ku yaal bariga Afrika oo uu u beddeli lahaa dal madaxbannaan oo shaqeynaya oo dunidu aqoonsan tahay.

Qoraagu waxay warbixintan tilmaan kaga bixisay dimuqraadiyadda Somaliland ee dhaqanka ku salaysan, waxaanay iyadoo soo xiganaysay Mr. Maxamed Faarax oo ah Agaasimaha Akaademiyada Nabadda iyo Hourmarinta Somaliland ay qoraalkeeda ku xustay in Somaliland mar kale dib uga jiiraysay qalallaase ay qarka u saarnayd inuu dhaco.

Gabadhani waxay qortay in Agaasimaha Akaademiyadda Somaliland uu u sheegay in guulaha Somaliland ay ka mid tahay isku xidhiidhinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo dhaqanka bulshada, isagoo intaa ku sii ladhay Maxamed Faarax ayey tidhi, in qaabka siyaasadeed ee Somaliland yahay mid laysku lammaaneeyey laba hab oo mid ka kooban yahay habka qabaa’ilka ku salaysan, ka kalena qaab-dhismeedka casriga ee siyaasaddu ku dhisan tahay, waana sidaa sida ay u awoodday Jamhuuriyadda Somaliland inay xakamayso wixii khilaafaad ah ee dhibaatooyin ka dhallan karaan muddadaa 26-ka sanno ah ee dadka reer Somaliland dib ula soo noqdeen madaxbannaanidoodii.

Waxa kaloo suxufiyaddu warbixinteeda ku sheegtay in rajooyinka laga filayo Madaxweynaha cusub ee la doortay inuu wax ka qabto dib-u-dhacyada had iyo jeer ku yimaada doorashooyinka somaliland, gaar ahaana ta madaxtooyada oo midna aan lagu qaban waqtigii u cayinaa ee loo qabtay inay ku qabsoomaan, inkastoo ayey tidhi ay mararka qaar jiraan duruufo dib-u-riixayey qabashadeeda sida abaaraha iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan. Hase ahaatee, waxay intaa ku dartay in iyadoo ay sidaa tahay haddana Somaliland qabatay liis dheer oo doorashooyin oo ka soo bilaabmay codaynti Aftida Dastuurka ee 2001-dii, sidaasi darteedna, marka la isbarbar-dhigo waxay noqonaysaa Jamhuuriyadda Somaliland mid ugu deggan, uguna xasilloon ee ugu dimuqraadisan dalalka bariga Afrika oo dhan, balse waxay intaa raacisay intaas macnaheedu aanay ahayn in Somaliland marka loo eego dalalka la deriska ah mid aanay gudaheeda ka jirin wax dhibaatooyin ahi, hase ahaatee ay tahay dal ah xaqiiq jirta (Defacto) laga soo bilaabo 1991-kii ilaa maanta oo leh hay’adihiisa dawliga ah, dastuur iyo ururro bulsho, lana tacaala caqabadihiisa.

“Waqtigii uu ololaha ku gudo jiray Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ballanqaaday inuu ilaalin doono xuquuqda haweenka, isla markaana uu kordhinayo ka qaybgalkooda xagga siyaasadda,” ayey tidhi suxufiyaddu.

Waxa kaloo ay intaa raacisay in Madaxweyne Muuse yahay hoggaamiye adag oo ku shaqayn doona sharcigu inuu shaqeeyo, lana dagaallamayo musuqmaasuqa, sidoo kalena uu u degsanyahay qorshe uu ku sii xoojinayo madaxbannaanida hay’adda Garsoorka.
Dhinaca kale, waxa suxufiyaddu tilmaantay in arrimaha wax-ka-qabashadooda looga baahanyahay Madaxweynaha ay ka mid tahay doorashada golayaasha Baaralamanka (Guurtida iyo Wakiillada), iyadoo si gaar ah u xustay in Golaha Guurtidu ay ku dhexmilmeen siyaasadda, taas oo ay ku macnaysay inay keentay kuraasta la kala dhaxlayo ee ah in xildhibaankii dhintaba inankiisa lagu beddelo, isla markaana arrintaasi ay hoos u riday doorkoodii waxqabad ee Guurtidu lahayd.