Roma(ANN)Kulan Muhiim ah oo Dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Wasiirka-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka TaliyaanigaKulanka talyaaniga
Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga. Labada wasiir ayaa kulan ay ku qaateen Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Taliyaaniga kaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin
Cilaaqaadka labada wadan ee dhinacyada iskaashiga iiyo horumarinta
2) Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ictiraaf uga heli lahaayeen wadamada reer Yurub ee Taliyaanigu ka mid yahay
3) Sidii dawlada Taliyaanigu uga mid noqon lahaayeen Sanduuqa horumarinta Somaliland
Kulan oo labada masuul ay kaga wada hadlayeen arrimahaasi kor ku xusan sidii loo dardargalin lahaa iskaashi iyo xidhiidh cusub oo labada wadan ay yeeshaan ayaa la isla afgartay badiba qodobadii laga wada hadlay iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dhoofay caawa Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga isaga oo saacada soo socota ka dagi doona dalka Magaalada London oo kulan kula yeelan doono Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingiriiska.
Wasaarada Arrimaha Dibedda
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.