Araweelo News Network

 

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Hargeysa(ANN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa fariin u diray  cuqaasha, salaadiinta iyo madax-dhaqameedka, kuwaas oo sida uu sheegay looga baahnayn in aanay u doodin qof dambi galay oo dawladdu xidhay, balse laga doonayo in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo amniga guud ee qaranka.

Md. Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sidaa ka sheegay hadal ka jeediyey xaflad uu xilka kagala wareegay wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon, wuxuna Wasiirka cusub  tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu tahay meel u xil-saaran ilaalinta amniga iyo nabadgelyada ee gudaha dalka Somaliland.

“Wasaaradani waa Wasaaradda sida gaarka ah ugu xilsaaran amniga qaranka, marka laga reebo Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay amniga qaranka wadaagaan, laakiin ammaanka iyo nabadgelyada dalka gudihiisa oo ay hormuud ka yihiin ciidammada booliska, ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo ciidanka Laanta Socdaalka,” ayuu yidhi Wasiirka cusub.
Waxa kaloo uu Wasiirka cusub sheegay in doorashadii Madaxtooyadu si ammaan ah oo qurux badan uga qabsoontay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Waa doorashada keliya ee qaaradda Afrika sida ay u dhan tahay lagu tijaabiyey barnaamijkan isha lagu sawirayo ee loo adeegsaday diwaangelintii codbixiyeyaasha, waxa aynu nahay dalka qudha ee lagu tijaabiyey ee aan weliba la aqoonsan, waxa kaloo ay ka mid tahay meelo badan oo ka mid ah qaaradda Eeshiya, Laatiin Ameerika iyo meelo qaaradda Yurub ah ayaanay iyada lafteedu ka dhicin, intaas oo dhanba waxa inoo keenay waa nabadgelyada, wax kale oo inoo suurtogeliyey ma jiro…Arrinta aynu doonayno in aynu ku mitidno, Wasaaraddana lagala shaqeeyo, annaguna aannu halkii ka sii wadi doono waxa ay noqonaysaa arrinta nabadgelyada.”
Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah loo ilaaliyo midnimada qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Qaran kastaaba haddii aannu qarannimada ka mid ahayn oo ka midaysnayn waxa laga yaabaa in aanay shaqayn horumarka qarannimadiisu…Waxa aynu markaas u baahanahay waynu kala duwanaan karnaa oo ra’yiyadeenuna, barnaamijyadeena siyaasiga ahna iyo asxaabta siyaasiga ahna waynu kala duwanaan karnaa, laakiin waxa aynu ka midaysnaan karnaa waxa guud ee ah danta qaranka aynu leenahay, waxa kaloo aynu midaysnaan karnaa nabadgelyadeena, horumarkeena, daryeelka ubadkeena, tacliinteena iyo horumarkeena.”
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ballanqaaday inuu si dhaw ula shaqayn doono hay’adaha iyo maamulka gobollada dalka, isla markaana la sii xoojin doono mashaariicda maamul-daadejinta ee ka socday degaannada Somaliland, halka uu sidoo kale xusay in Wasaaraddiisu ay la shaqayn doonto madax-dhaqameedka kala duwan ee dalka.
“Wasaaraddan iyo ciidanka boolisku waxa ay ka shaqeeyaan waa amniga iyo nidaamka, markaa waxa salaadiinta iyo cuqaasha looga baahan yahay marka la joogo degmooyinka, gobollada iyo heer qaranba in aynu dadkeena barno amniga, kana shaqayno xasiloonida, sharciga iyo kala dambaynta, laakiin kii kasta (ruux walba) ee wax kharibay ee dambi galay haddii caaqil iyo suldaan ay daba taagnaadaan oo ay yidhaahdaan soo daaya oo ay nafta u keenaan maayirka soo qabta ee xidha qofka cashuurta diiday markaa waxba inoo shaqayn maayaan, bal arrintaasna dib ayeynu ugu noqon doonaa, wax ugu badan ee aynu doonaynaana waa amniga,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin Axmed.