Araweelo News Network

Garadag(ANN))-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhagax-dhigay cusbitaal laga dhisayo magaalada Ceel-afweyn iyo jaamacad laga hirgelin doono degaanka Gar-adag ee Gobolka Sanaag.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar ku maray magaalooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag , waxa uu ka hadlay waxqabadka xukuumadda KULMIYE, isagoo xusay in dawladda Imaaraadka Carabtu maalgelinayso cusbitaalka casriga ah ee laga dhisayo Ceel-afweyn.
“Waxa aynu halkan dhagax-dhignay cusbitaal weyn oo casri ah oo loo dhisayo degmada Ceel-afweyn, cusbitaalkan waxa uu ku yimmi markii baahida jirta uu arkay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka dibna dalka Imaaraadka Carabta uu ka codsaday inay cusbitaalka u dhisaan magaalada Ceel-afweyn. Cusbitaalkan lacagta ku baxaysa oo lacag badan ah waxa bixinaysa hay’adda la yidhaa Mohammed bin Rashid Foundation, waana hay’adda samafal ah oo uu leeyahay boqorka Dubai xukuma, waa hay’adaas magaciisa sidata, waxa ugu wakiil ah oo loo igmaday hay’adda wadaniga ah ee samafalka ee Zamzam foundation, hay’adahaasi laba cusbitaal oo hore ayey dalka Somaliland ka dhiseen, cusbitaalka Wajaale iyo cusbitaalka Caynaba, labadaas cusbitaalka siday u shaqaayaan maanta iyo kaalinta ay buuxiyeen iyo baahiday dabooleen dadka ku nool deegaankaas ayuubaa garanaya,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
“Xukuumaddu qorshe ayey samaysaa, qorshii aannu samaynay wuxuu ahaa in ummadda caafimaadkeeda aanu kor u qaadno oo ka haqab-tirno cubitaalada, in aanu ka haqab-tirno biyaha, in aannu ka haqab-tirno waxbarashada iyo dugsiyada, oo iskuulada aanu gaadhsiino meel wal oo dad ku nool yahay, qorshe ayaanu dhignay qorshadaas waxaannu u bandhignay dunida, hay’adaha samafalka, Qarammada Midoobay, hay’adaha deeq bixiyeyaasha iyo dalalka aynu saaxiibka nahay, jeebkeena oo kaliya wax kama dhisan karno, waxa ka weyn waxa la ina siiyo qorshaha la dhigto. Gobolkan Sanaag Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Silaanyo, toddoba sanno ayey dalka taladiisa gacanta ku haysay afartan cisho ayaa ka hadhay muddo-xileedkii Xukuumadda, taariikhada ayaa qoraysa wixii ay dalka ka qabatay, taariikhda ayaa qoraysa wixii ay gobolka Sanaag ka qabatay, sida ay Sanaag ahayn toddobadaas sanno ka hor iyo sida ay maanta tahay, aad ayaannu bulshada gobolka Sanaag ugu boqaadinaynaa markhaatiga ay fureen iyaga oo kale aragti duwan, oo laga yaabo inay ku kala aragti duwan yihiin taageerada xisbiyada, waana gobonimo.”
Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena xusay in hirgalinta cusbitaalkani ay tahay qorshe fulaya oo aan indho sarcaad ahayn; waxaannu yidhi; “Cusbitaalkani wuxuu dabooli doonaa wax weyn, maaha mid dhagaxiisa loo dhigayo afartan cisho ka hor doorashada oo dadka aanu ku indho-sarcaadinayno, ma dhigno dhagaxaan aanu dadka ku indho-sarcaadinayno, meel kasta oo aannu dhagax-dhigno waa dhisnaa, bulshada reer Somaliland ayaa ka markhaati ah, Ilaahay ayaa ka markhaati ah, waa la dhisayaa, dhismahiisana dhawaan ayaa la bilaabayaa.”
Geesta kalena, Wasiirka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamadii nabadeed ee colaadii Ceel-afweyn laga soo saaray iyo sida ay uga go’an tahay in la fuliyo, waxaannu yidhi; “Guntii waxaan leeyahay halkan shaqaaqo ayaa ka dhacday waxaan leeyahay bani-aadamku waa khaldamaa oo gef ayuu gala, waxa u khayr badan kiisa soo noqda, wax kastaa ha dhaceene waanu ku bogaadinaynaa sidii loo taliyey sida ay u aqbaleen waayeelka deegaankani, sidii loo soo af-jaray colaadaas, Xukuumad ahaana waxaannu ka qaadanay door weyn, ilaa iyo maantana waxa jooga ciidammadii qaranka oo ku dib-jiray oo ku dayacmay, waan ku hambaleynayaa Ciidammada qaranka, waanan ku bogaadinayaa inay sannad iyo badh dhirtaa hoos taagan yihiin iyaga oo kala ilaalinaya dadkaa walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay. Dhawaan ayaa la xukumay in xoolihii la kala qaado, waxaan leeyahay waayeelka iyo dadka odayaasha ah go’aamadaasi waa inay fulaan, waxaannu la garab taagan nahay in aannu culayskaa kala qaybqaadano, in aannu xoolahaas la goyno, ciddii go’aankaas fulin waydana, gacan bir ah ayey dawladdu ku qabanaysaa, nabadda ayaa wax walba ka weyn, waxaan leeyahay dadka reer Ceelafweyn nabadda adduunka aanu galinay dawlad ahaan wax badan ayey halkan ka dhisi lahayn, waxaan leeyahay nabadda ayaa saldhig u ah wax walba bulshadu waa inay is aaminto oo wax wada qabsato,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Geesta kale, Wasiirka Madaxtooyada, ayaa dhagax-dhigay jaamacad la doonayo in laga dhiso magaalada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, waxaannu yidhi; “Mashruuca halkan aynnu ka dhagax-dhignay waa mashruuc weyn, nasiib weyn waxaynu u helnay in Gar-adag aynnu ka dhagax-dhigno jaamacad qiimo weyn leh, Gar-adag way u baahnayd jaamacad mar labaadna Somaliland oo dhan, gobollada bariga iyo deegaankani waxa ay u baahnaayeen jaamacad tayo leh, oo qiimo leh oo wax ku soo kordhisa Jaamacadaha qaranka Somaliland. Somaliland jaamacado badan ayey leedahay, waxa aynu u baahan nahay inaynnu tayeyno, inay ba’taan ceeb maaha ee waa sax, qofku waa inuu adeega waxbarashada iyo adeegyada nolosha oo dhan ka helaa meel u dhow oo xatabadiisa ah, dunida horumartayna sidaas ayaa lagu qiimeeyaa.”
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka xukuumadda KULMIYE, waxaannu yidhi; “Somaliland wax badan ayaa u qabsoomay qaran ahaan, muddadii toddobada sanno ahayn ee xisbiga KULMIYE talada hayeyna wax weyn ayaa u qabsoomay, oo sagaal iyo tobankii sanno ee hore aan u qabsoomin, wax badana waa innaga qabyo, noloshu waa qabyo, wax weyn ayey tahay in maanta ay Gar-adag ay hesho jaamacad weyn oo qiimo leh, waxaan bogaadinayaa oo aan hambalyeynayaa himiladaas iyo hamigaa raggii keenay, Ibraahim Barre Nuur iyo Prof. Khadar Cilmi Barre, runtii waannu ku bogaadinaynaa tallaabo ummaddan wax u ah, danta guud ee ummadan ka turjumaysa ayey ku dhaqaaqeen aad ayaan ugu mahadnaqayaa. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu ballanqaadaynaa in aanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanu ula tagno arrintan doorka Xukuumad ahaan aanu ka qaadanayno, Madaxweyne Silaanyo waxa muddo xileedkiisii u hadhay afartan maalmood, waxaan rumaysanahay marka aanu mawduucaas u gayno inuu gacan weyn ka gaysan doono, halkani waa halkii Axmed Siilaanyo lagu boqray, waxay caan ku tahay Tuf oo ay leedahay, Gar-adag ninka laga caleemo-saaro Madaxweyne ayuu noqdaa, taa kaliya maaha ee waa guri aqooneed, waana guri nabadeed.”