Araweelo News Network

Wasiir Hinda Gaani

 

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa ku bogaadisay mudanayaasha Golaha Wakiillada ansixinta xeer cusub oo la xidhiidha xakamaynta tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa fadhigoodii cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Ka-hortagga Kufsiga Haweenka oo diyaarintiisu muddo dheer qaadatay.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada oo qaar ka mid ah saxaafadda kula hadashay xafiiskeeda magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegtay inay gacan weyn ku lahayd hawshii diyaarinta xeerka Golaha Wakiilladu ansixiyeen.
“Hambalyo iyo bogaadin ayaannu la wadaagaynaa gabdhaha reer Somaliland, kaas oo muhiimaddiisu tahay in Golaha Wakiillada Somaliland maanta [shalay] ansixiyeen xeer aan odhan karo waa xeerkii ugu mudnaa qaranka, kaas oo lagu ilaalinayo tacadiga ka dhanka ah xuquuqda haweenka ama kufsiga. Marka koowaad Ilaahay ayaa mahad iska leh, mar labaadkana waxa aan mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo cod hal-dheeri ah oo 46 mudane ku ansixiyey inay noqoto wax xaaraan ah oo aanay marnaba heshiis iyo gorgortan shaqsi kasta oo isku daya inuu xoog danihiisa gaarka ah uga qabsada hablaha. Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa Golaha Wakiillada, hablaha reer Somaliland-na waxaan leeyahay iyada oo qaranku naftiinna ilaalinayo maanta ayey tahay in aad ammaan meel kastaba ku mari kartaan, sidoo kalena waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ku lahayd ama ka qaybqaadatay hirgalinta xeerkan,” ayey tidhi marwo Hinda Jaamac Gaani.
Waxayna intaas ku dartay; “Xeerkani waa xeer socday muddo dheer, waxaana la bilaabay sannadkii 2011-kii, waxaannu dhammaaday 2018-kii Waxaan odhan karaa waxa uu soconayey 7 sannadood. Ilaahay ayaa mahad leh. Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba u mahadcelinayaa Golaha Wakiillada Somaliland sida masuuliyadda iyo dedaalka leh ee ay iskaga xilsaareen inay ilaaliyaan xuquuqda hablahooda, waayo habluhu waa hooyadaa iyo xaaskaaga, inantaada iyo walaashaa, mid kastaana kuwaas ayey la xuquuq tahay.”
Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sidoo kale farriin baaq ah u dirtay Golaha Guurtida Somaliland oo xeerkan loo gudbin doono si ay iyaguna waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan, kadibna uu u noqdo xeer dhaqan-gal ah marka Madaxweynuhu saxeexo.
“Waxaan leeyahay mudaneyaal way soo fuliyeen oo waa ay dhammaystireen wixii ku aaddanaa dhinacooda Golaha Wakiilladu, waanuna uga mahad-celinaynaa mar kale. Waxaannu idinka rajaynayaa idinka oo ah guurtidii iyo samo-talintii dhammaystirkiisa inaad sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbin doontaan, waanuna idiinka mahadnaqaynaa, waanuna idinka sugaynaa Insha Allaah. Waxa ay tahay gebogebada iyo dardaarankaygu in aannu masuuliyad adag iska saarno sidii uu u hirgali lahaa fulinta sharcigan,” ayey tidhi Wasiir Hinda oo ka dalbatay Golaha Guurtida inay si degdeg ah u ansixiyaan xeerkaas.